Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Siyaasad danguud ah waan sameyn karnaa, balse siyaasad dangaar ah ma sameyn karno”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha “Baarlamanku waa inuu dedejiyaa meel marinta sharciyada muhiimka u ah waddanka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwyenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo taabaneysa ka jeediyay golaha shacabka ayaa xusay in talada dalka ay wax ku leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana laga gudbay xilligii siyaasadda dadkale ay sameyn jireen.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ugu horeyn baarlamaanka ka codsaday inay kalsooni badan ku qabaan madaxdooda, isla markaana ay meesha ka saaraan in iyagu laga maarmay.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

โ€œWaxaan idinka codsanaya in aad meesha ka saartaan in baarlamaanka laga maarmay, waxaan rabaa in aan idin cadeeyo in aan la idinka maarmin, kalsoonidaas intaad ku joogtaan waa muhiimโ€ isagoo intaa ku daray in uu dadaal badan u galay in talada Soomaaliya ay Soomaalida dhexdooda ah loo daayo

โ€œSiyaasadda manaloo sameyn karo, waxa kale waa naloo qaban karaa dhanka taageeridda amniga, dhismaha xarumo muhiim ah, tan kale siyaasad kuma sameyn karno marxaladihii adkaa ee laga soo gudbay, gaar ahaan siyaasad dad dangaar ah ka leh ma sameyn karno, balse Siyaasad danta guud ah waan sameyn karnaa, waana ku soconaa wadadeedaโ€ ayuu yiri Madaxweynaha.

Amniga

โ€œShilkii ugu dambeeyay ee Liido ku dhacay oo Hooyo, carruur iyo dad kale maato ah lagu laayay, dadkii ka dambeeyay dhacdadaasi waa argagixiso, waa tuug burcad ah oo u bareeray leynta maatada, kuwaasi waxa ay u baahanyihiin in Ummadda laga dhexqabto,โ€ ayuu yiri Madaxweynaha oo hadalkiisa ku daray in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dadka ku dhexjiraan, loona baahanyahay in wacyi gelin guud la siiyo bulshada si gacanta loogu dhigo kooxaha dadka dhibaateynaya.

Madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay in hayโ€™adaha amniga ay kala hadleen in dadka lagu soo qabto howlgallada aan dhibaato loo geysan, isla markaana lagu sameeyo oo kaliya baaritaanno lagu ogaanayo, waxaana uu intaa raaciyay in ciddii lagu arkay, iyadoo jirdil u geysanaysa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

โ€œBadbaadada Ummadda, jiritaanka Qaranimada in aan u istaagno waa waajib nalooga baahanyahay, masโ€™uuliyadda amniga anaga ayaa iska leh, marka waxaan rabnaa in gacan lagu siiyo hayโ€™adaha ammaanka qaabilsan oo lagu taageero howlaha loo idmaday, sax ma ahan in dad u taagan xaqiijinta amniga aan idaacadaha ka dacayadeedu, wixii qalad ah ee jira waxa ay leedahay hab loo marsiiyo dadka madaxda u ahโ€ ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha oo codsaday in la dhiiri geliyo hayโ€™adaha Nabadgelyada qaabilsan.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in qofkasta oo ka tirsan hay’adaha dowladda looga baahanyahay inay u hogaansamaan ciidanka amniga sugaya, isla markaana goobaha baaritaannada ay ciidamada ku suganyihiin la maro baaritaanka, taasi oo uu ku sheegay inay dhiiri gelin doonto ciidanka.

Madaxweyne Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde loo hayo shaqsiyaad lagu tuhmayo inay ku luglahayeen, isla markaana ay ku socoto howlo baaritaanno ah, cadaaladdana la horgeyn doono marka ay baaritaanka dhamaato.

Dhaqaalaha

Madaxweynaha oo arrimaha dhaqaalaha ka hadlayay ayaa sheegay in xoogaa horumar laga gaaray xagga dhaqaalaha, isagoo dhanka kale xusay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay dhalinta ku qaldeen lacag, loona baahanyahay in arrimahaasi wax laga qabto oo dhalinta mustaqbal fiican lagu horseeddo.

โ€œWaxaan kaloo rabaaa in aan hadalkeyga ku soo gunaanado dhalinyarada u dagaallanka Al-Shabaab waxa ay u badanyihiin kuwa aan ku qanacsaneyn caqiidda kooxda Shabaab, balse ay jiraan daruufo adag oo ku kalifeysa, marka waxaa loo baahanyahay in aan u wada istaagno sidii dhalinta ay marin habaabiyeen Al-Shabaab loogu sameyn lahaa wacyigelin guud iyo shaqo abuurโ€ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baarlamaanka uga mahadceliyay sharciyada muhiimka ah ee ay meel mariyeen.

Previous Post

Wasaaradda Cadaaladda oo soo bandhigtay fursad shaqo

Next Post

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey goโ€™aankii Golaha Barlamaanku ku ansixiyeen Xubin ka noqoshada Hayโ€™ada Iskaashiga Islaamka

Next Post
Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey goโ€™aankii Golaha Barlamaanku ku ansixiyeen Xubin ka noqoshada Hayโ€™ada Iskaashiga Islaamka

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyey goโ€™aankii Golaha Barlamaanku ku ansixiyeen Xubin ka noqoshada Hayโ€™ada Iskaashiga Islaamka

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

September 9, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In