Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Xafiisyada Dowladda laga bilaabo maanta lagama soo saari karo warqad ku qoran Afka qalaad” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweyne Xasan “Xafiisyada Dowladda laga bilaabo maanta lagama soo saari karo warqad ku qoran Afka qalaad” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Madax kale ayaa ka qeyb galay xuska maalinta Afka Soomaaliga la qoray oo ku beegan maanta.

Munaasabada lagu weyneynayay 42-guurada ka soo wareegtay qoriska iyo isticmaalka Afka hooyo waxaa kaloo ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin weyn oo qiimo ugu fadhida bulshada Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalinkii ugu horeysay ee uu soo baxo Wargeyska Xidigta Oktoobar oo Afka hooyo ku qoran, Wasaaradduna ay door lixaad leh ka qaadan doonto dib u soo nooleynta Wargeysyadii hore.

Siihayaha Wasiirka Hidaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya mudane Ducaale Aadan Maxamed oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta ka qayb gashay Munaasabada ayaa waxaa uu Madaxweynaha jamhuuriyada ka codsaday in xarumaha Hidaha iyo dhaqanka Jamhuuriyadda dib u dhis lagu sameeyo si Afka Soomaaliya kobcintiisa ay qayb uga qaataan, kuwaa oo ay ka mid yihiin Tiyaatarka, Akadamiyada Cilmiga iyo Fanka iyo kuwa kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku dheeraaday ka hadalka taariikhda iyo heerarkii loo soo maray hirgelinta Afka Soomaaliga ayaa waxaa uu sheegay in Hormarinta afka ay ka qayb qaadan karaan in Lahjadaha kala duwan ee Soomaalidu leedahay la ixtiramo, waxaana uu ugu baaqay Bulshada in ay ku adkaadaan in Afka Soomaaliga heer la gaarsiiyo, isagoo xusay maanta in ay tahay maalin u baahan in bulshada la fahamsiiyo qiimaha gaarka ah ee ay ummadda u leedahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay maanta oo kale ay shacabka ugu fadhiso qiimo aad u weyn, dowladduna ay dadaal u galeyso sidii shacabka loo bari lahaa muhiimadda maanta oo kale ay u leedahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo maanta aysan xafiisyada dowladda ka soo bixi Karin Warqad ku qoran afka qalaad, si loo horumariyo afka hooyo in waxkasta lagu qoro Af-Soomaali.

IB0A9499

IB0A9503

IB0A9505

IB0A9506

IB0A9507

IB0A9511

IB0A9512

IB0A9515

IB0A9517

IB0A9519

IB0A9521

IB0A9526

IB0A9528

IB0A9529

IB0A9530

IB0A9533

IB0A9534

IB0A9536

IB0A9538

IB0A9539

IB0A9541

IB0A9542

IB0A9546

IB0A9547

IB0A9549

IB0A9550

IB0A9556

IB0A9577

IB0A9587

IB0A9588

IB0A9599

IB0A9600

IB0A9608

IB0A9610

IB0A9634

IB0A9643

IB0A9651

IB0A9654

IB0A9660

IB0A9669

IB0A9682

IB0A9695

IB0A9702

IB0A9705

IB0A9709

IB0A9717

IB0A9725

IB0A9730

IB0A9731

IB0A9733

IB0A9734

IB0A9735

IB0A9742

IB0A9746

IB0A9750

IB0A9756

IB0A9760

IB0A9761

IB0A9765

IB0A9769

IB0A9779

IB0A9794

IB0A9796

Previous Post

DAAWO SAWIRRADA MASJIDKA ISBAHEYSIGA

Next Post

Madaxweynaha: “Waa in la helaa Manhaj Waxbarasho oo midaysan kuna qoran farta Soomaaliga”

Next Post
Madaxweyne Xasan “Xafiisyada Dowladda laga bilaabo maanta lagama soo saari karo warqad ku qoran Afka qalaad” SAWIRRO

Madaxweynaha: “Waa in la helaa Manhaj Waxbarasho oo midaysan kuna qoran farta Soomaaliga”

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In