Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan “Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa Is-afgarad iyo Nabad”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 8, 2025
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan “Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa Is-afgarad iyo Nabad”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka aan caadiga aheyn ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) iyo Urur Goboleedka Horumarinta Afrikada Koonfureed (SADC), kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xasilloonida gobolka, waxa uuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahay xoojinta doorka Afrika ee xal u helidda dhibaatooyinka ka jira qaaradda,.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

“Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo banii’adantinimo, waxa ayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.

 

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kuwait

Next Post

Turkiga oo ku sharfay Dowladda Soomaaliya taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii 6-dii Febraayo, 2023

Next Post
Turkiga oo ku sharfay Dowladda Soomaaliya taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii 6-dii Febraayo, 2023

Turkiga oo ku sharfay Dowladda Soomaaliya taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii 6-dii Febraayo, 2023

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In