Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneha dalka oo caawa la hadlay dhallinyarada gobolka Banaadir “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneha dalka oo caawa la hadlay dhallinyarada gobolka Banaadir “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa caawa dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir kala hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdsiho, taas oo u jeedkeedu ahaa in Madaxweynaha dalka uu ku bogaadiyo doorka ay dalka horumarkiisa ku leeyihiin dhallinyarada.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, , Wasiirro, Xildhibaanno, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo dhalinyarada gobolka, waxaana munaasabadda lagu soo bandhigay suugaan iyo Riwaayado ka hadlaya waddanka iyo doorka muuqda ee kaalinta Nabadda ee Dhalinyarada Gobolka banaadir

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Guddoomiyaha Ururka dhalinyarada G/banaadir C/kaafi Maxamuud  Makaran ayaa sheegay in Dhallinyarada Soomaliyeed gaar ahana kuwa Gobolka banaadir ay qaadanayaan Kaalintooda soona ceshanayaan magacooda iyo maqaamka ay leeyihiin dalka, maadaama wadanka ay samata bixiyen dhallinyaro ka kooban 13 oo aas aasay ururkii gobonimo doonka ee ( SYL)

Guddoomiyaha G/banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa dhallinyarada ku ammaanay kaalinta ay kasoo qaateen Nabadda iyo Samata bixinta wadanka, wuxuuna  shegay in hadii dhalinyaradu is raacdo la gaari karo hormar, deganaansho iyo kala dambeyn saldhig u noqoto amni waara, maadaama ay UGUS dhallinyarada sidii xaabo oo kale dabka ku shitaan, Maamulka G/banaadirna wuxuu u taagan yahay in Mudane Madaxweyne ay qaataan Kaalintoda.

“Mudane Madaxweyne dhallinyaradu waxa aay kaga mahadcelinyaan sida mar waliba aad u tixgaliso in dalka hogaankiisa ay ku soo biiraan xooggag dhallinyaro oo ah dhiig cusub oo la saan qadaya siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan xukuumadda, degmooyinka gobollada iyo dhamaan hay’adaha dowliga ah  ah ee dalka, ayadoo la ogsoonyahay in dhaqankaas aanu hore ugu jirin dalka Soomaliya, talaaboyinka dhiragalinta dhallinyarada ay bilaawdeen markii adiga laguu doortey inaad noqoto Madaxweynaha Wadanka Soomaliya sanadkii 2012kii” ayuu yiri “Muungaab”.

Gudoomiye Muungaab ayaa sidoo kale ku booriyey dhallinyarada G/banaadir in ay ka qeyb qaataan sugitaanka ammaanka iyo Horumarka wadanka waxana loo Baahanyahay ayuu yiri in aad gacmaha is qabsataan oo aad meel uga soo wada jeesataan cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la sameeyo nidaam siyaasadeed oo ku saleysan mustaqbalka dalka, dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay dalka  gaarsiiyo doorashooyin dhalinyaradana hormuud ayeey ka yihiin, ayuu yiri madaxweynaha.

“Doorashada iyo tallada kuma ekaan doonto Muqdisho oo dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa wax ku leh, masuuliyaddaasna waxaa iska leh guddiga loo magcaabay arrintaas haddii uu shaqeeyo, maamullada kmg ah ee mustaqbalka noqon doona dowlad goboleedyada waxey ka mid yihiin kaabayaasha siyaasadda ee dhismaya” ayuu sheegay madaxweynaha dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa yiri “Qabiil Ajende siyaasadeed yeelan kara ma jiro, waxaan u baahanahay xisbiyo siyaasadeed, aan wada hagaajinno siyaasadda dalka, doorashooyin kala duwan oo  guud ayaana dhici doona, dalkeenna fursad weyn ayuu leeyahay, waayo kheyraadka adduunka ugu fiican ayaan heysanaa, bada, beero, iyo dhul weyn ayaan leenahay aan ka faa’ideysanno nimcooyinkaas, dalalka meesha ay adduunka ugayaallaan waa Dhaqaale, annagana waan heysannaa fursaddaas oo kale”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in dowladda ay ku gacan siiyaan amniga iyo xasiloonida siyaasadda, waxa uu intaa raaciyey madaxweynaha dalka, “Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dadaaleysaa soo kabashada Dhaqaalaha iyo shaqo abuurista dadka, si amni loo helana waa lagama maarmaan arrimahaas, waxa ayna nooga baahan yihiin shaqooyinkaas oo dhan amni, dhalinyarada qodobbadaas door weyn ayeey ku leeyihiin, arrimahaas ha lagu baraarugsanaado” ayuu raaciyey madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in maanta ay  tahay maalinta dhallinyarada laga faa’ideysan lahaa, waxa uu madaxweynuhu yiri “dalka dhallinyarada ayuu sugayaa, dalka waa inaad mustaqbalkiisa ka qeyb-gashaan ballanteenu waa inaan xumaanta ka foggaanaa, dalka horumar ayuu ku socdaa”.

“Dhallinyarada gobolka Banaadir, waa muraayaddii caasimaddii, howlaha waa weyn ayaa soo socda shirar caalami ah ayaana ka dhici doona, dhowaan shir aad iyo weyn oo madaxda caalamka qaarkood ay ka soo qeyb-geli doonaan ayaa ka dhici doona, magaalada Muqdisho waxey ka mid taha magaalooyinka adduunka ee la isugu yimaado lagan tashado, UGUS looma istaago Soomaaliya wey socotaa, laakin waa inaan ka hortagnaa cadowga, nabadda dadaalka dhallinyarada ayaa lagu helay waana ku ammaanayaa, aan u istaagno inaan Al-Shabaab meel uga soo wada jeesanno” ayuu yiri madaxweynaha dalka.

“Waalidiinta Soomaaliyeed haka shaqeeyaan in aan wiilasheenna kala soo laabanno argagixisada dowladda wey soo dhoweyn doontaa, UGUS waa la iska tallaali karaa, mashruuca tallaalka UGUS waa wacyigelin waana muhiim, dhalinyaro dalka Soomaaliyeed nabaddiisa hormuud u noqda, laba Milyan oo Soomaali ah oo qaxootinimo nooga maqan ayaa noo  baahan, dadkaasna waxa ay u baahan yihiin nabadda, ballanteenu waa amniga dalka iyo horumarka inaan ka wada shaqeynno”.

IMG_2141 IMG_2144 IMG_2147 IMG_2151 IMG_2153 IMG_2155 IMG_2164 IMG_2166 IMG_2170 IMG_2171 IMG_2172 IMG_2177 IMG_2179 IMG_2180 IMG_2183  IMG_2189IMG_2196 IMG_2202 IMG_2204 IMG_2206 IMG_2208 IMG_2211 IMG_2213 IMG_2217 IMG_2218 IMG_2219 IMG_2228 IMG_2230 IMG_2233 IMG_2234 IMG_2246 IMG_2249 IMG_2251 IMG_2259 IMG_2264 IMG_2265 IMG_2267 IMG_2273 IMG_2274 IMG_2288 IMG_2297 IMG_2312 IMG_2316 IMG_2319

Previous Post

DAAWO Sawirrada Madaxweynaha Qaranka iyo booqashadii Furumaha dagaalka

Next Post

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan Hiiraan

Next Post
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde

Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan Hiiraan

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In