Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka qeybgaley xuska maalinta Afka hooyo “Muuqaal+sawirro””

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka qeybgaley xuska maalinta Afka hooyo “Muuqaal+sawirro””
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgaley xaflad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo iyo barnaamij loogu magac darey Xuska Toddobaadka Afka Hooyo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadley qorshaha dowladda ee ciribtirka kooxaha nabad-diidka iyo in dowladda ay ka go’an tahay in si degdeg ah kooxahaasi loo baabi’iyo si ay shacabka Soomaaliyeed nabad u helaan.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

“Maanta waxan halkan ku xuseynaa maalinta caalamiga ee afka hooyo, wax yar ka horna waxaan soo dhagax dhigney xarunta Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga oo Muqdisho laga dhisayo. Iyadoo Muqdisho mansabkaasi la siiyey, ayaa haddana waxaa jirta in kooxaha nabadda diiddan ay isku dayayaan inay shacabka carqaladeeyaan, isla markaana ay Muslimiin masaakiin ah gummaadaan sidii shaley dhacdey. Taasi ma sii socon karto, gacan bir ah ayaana ku qabaneyna , waxaanna balan ku qaadayaa in hawshaasi aan dhowaan soo afjari doonno.’’

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa si weyn uga hadley taageerada Djibouti ay Soomaaliya la garab taagneyd 25-kii sanno ee la soo dhaafey oo uu sheegay inaan marnaba la ilaabi Karin.

“Djibouti waxay hormuud u ahayd dadaaladii ugu horeeyay ee lagu doonayey in Soomaaliya dhibka looga saaro. Waan wada xusuusanaa doorkii taariikhiga ahaa ee uu qaatey Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Djibouti Marxuum Xasan Guuleed Abtidoon oo markii dowladdeena ay dhacdey isugu yeeray kooxahii Soomaaliya. Dadaalkaasi waa uu sii socdey ilaa laga soo gaaro sannadkii 2000, markaas oo la dhisey dowladdii KMG. Tan iyo shirkaasi Carta ka dhacay Soomaaliya dowlad la’aan ma noqon ilaa aan ka yeelanno dowladda haatan jirta ee rasmiga ah. Marka Djibouti waxay ka soo baxeen kaalintii la doonayey in walaal iyo deris uu ka soo baxo xilliga la dhibaateysan yahay. Mana filayo inaan abaalkooda gudi karno, marka loo eego sida ay inoogu hagar baxeen.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanka kale si weyn ugu ammaaney Djibouti , degaannada Soomaalida ee Kenya iyo Ethiopia iyo aqoonyannada Soomaaliyeed ee dunida daafaheeda kala jooga, dadaalka muuqda ee ay u galeen kobcinta iyo dhowrista Afka Soomaaliga.

“Waxaan hambalyo u diraya dhammaan Soomaalida ku nool Geeska Afrika oo aan leeyahay waa guul iyo talaabo horumar leh in maanta la dhagax dhigo, Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga oo kaalin ka qaadan doonta horumarinta afkeena hooyo, dhaqanka iyo suugaanta. Maadaama afku uu yahay aasaaska horumarka bulsho ay gaari karto, waxaan marka ku boorinayaa aqoonyahannadeena in mustaqbalka dhow ay afkeena gaarsiiyaan heer aan daraasadaha culuunta kala duwan ku sameyno Afka Soomaaliga”, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna munaasabadaasi khudbad ka jeediyay ayaa ugu horeyn shacaba Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay weerarkii waxashnimo ee kooxaha nabadda ka soo horjeeda ka geysteen Muqdisho.

‘’Shacabka Soomaaliyeed wan uga tacsiyeynayaa dhibaatadii foosha xumeyd ee dhacdey shaley. Ujeeddooda waxa weeyaan inay niyad jebiyaan shacabka Soomaaliyeed, taasina weligood ma gaari doonaan. Waan hubaa in shacabka Soomaaliyeed ugu dambeyntii guuleysan doonaan. Mar mar waxaan is iraahdaa xoogaggan qaska wada waxay u adeegayaan quwado kale oo doonaya in Soomaaliya aaney ka bixin dhibka ay ku jirto. Laakiin mar walba waxaa guuleysanaya rabitaanka shacabka oo doonaya nabad iyo horumar”.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Geelle ayaa sidoo kale ka hadley doorkii Soomaaliya ay ka qaadatey halgankii xornimadoonka Djibouti iyo weliba taageeradii waddankiisa uu ka heley Soomaaliya xoriyadda kadib sannadkii 1977-kii.

Waxaa isna xafladda hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaaari.

Munaasabbada ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgaley dhinaca Soomaaliya Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirrada Warfaafinta iyo Arrimaha Dibedda, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale, halka dhanka Djiboutina ay uga qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta Aadan Xasan Aadan, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

DHAMMAAD

DAAWO

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

Previous Post

Atletico Madrid oo u Soo Dhawaatay Kooxda Barcelona

Next Post

Madaxweyne Geelle oo la guddoonsiiyey biladda ugu sareysa Soomaaliya “DAAWO”

Next Post
Madaxweyne Geelle oo la guddoonsiiyey biladda ugu sareysa Soomaaliya “DAAWO”

Madaxweyne Geelle oo la guddoonsiiyey biladda ugu sareysa Soomaaliya "DAAWO"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In