Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka qeybgaley xuska maalinta Afka hooyo “Muuqaal+sawirro””

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka qeybgaley xuska maalinta Afka hooyo “Muuqaal+sawirro””
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgaley xaflad lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee Afka Hooyo iyo barnaamij loogu magac darey Xuska Toddobaadka Afka Hooyo.

Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadley qorshaha dowladda ee ciribtirka kooxaha nabad-diidka iyo in dowladda ay ka go’an tahay in si degdeg ah kooxahaasi loo baabi’iyo si ay shacabka Soomaaliyeed nabad u helaan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Maanta waxan halkan ku xuseynaa maalinta caalamiga ee afka hooyo, wax yar ka horna waxaan soo dhagax dhigney xarunta Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga oo Muqdisho laga dhisayo. Iyadoo Muqdisho mansabkaasi la siiyey, ayaa haddana waxaa jirta in kooxaha nabadda diiddan ay isku dayayaan inay shacabka carqaladeeyaan, isla markaana ay Muslimiin masaakiin ah gummaadaan sidii shaley dhacdey. Taasi ma sii socon karto, gacan bir ah ayaana ku qabaneyna , waxaanna balan ku qaadayaa in hawshaasi aan dhowaan soo afjari doonno.’’

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa si weyn uga hadley taageerada Djibouti ay Soomaaliya la garab taagneyd 25-kii sanno ee la soo dhaafey oo uu sheegay inaan marnaba la ilaabi Karin.

“Djibouti waxay hormuud u ahayd dadaaladii ugu horeeyay ee lagu doonayey in Soomaaliya dhibka looga saaro. Waan wada xusuusanaa doorkii taariikhiga ahaa ee uu qaatey Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Djibouti Marxuum Xasan Guuleed Abtidoon oo markii dowladdeena ay dhacdey isugu yeeray kooxahii Soomaaliya. Dadaalkaasi waa uu sii socdey ilaa laga soo gaaro sannadkii 2000, markaas oo la dhisey dowladdii KMG. Tan iyo shirkaasi Carta ka dhacay Soomaaliya dowlad la’aan ma noqon ilaa aan ka yeelanno dowladda haatan jirta ee rasmiga ah. Marka Djibouti waxay ka soo baxeen kaalintii la doonayey in walaal iyo deris uu ka soo baxo xilliga la dhibaateysan yahay. Mana filayo inaan abaalkooda gudi karno, marka loo eego sida ay inoogu hagar baxeen.”

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanka kale si weyn ugu ammaaney Djibouti , degaannada Soomaalida ee Kenya iyo Ethiopia iyo aqoonyannada Soomaaliyeed ee dunida daafaheeda kala jooga, dadaalka muuqda ee ay u galeen kobcinta iyo dhowrista Afka Soomaaliga.

“Waxaan hambalyo u diraya dhammaan Soomaalida ku nool Geeska Afrika oo aan leeyahay waa guul iyo talaabo horumar leh in maanta la dhagax dhigo, Akademiyad Goboleedka Afka Soomaaliga oo kaalin ka qaadan doonta horumarinta afkeena hooyo, dhaqanka iyo suugaanta. Maadaama afku uu yahay aasaaska horumarka bulsho ay gaari karto, waxaan marka ku boorinayaa aqoonyahannadeena in mustaqbalka dhow ay afkeena gaarsiiyaan heer aan daraasadaha culuunta kala duwan ku sameyno Afka Soomaaliga”, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo isna munaasabadaasi khudbad ka jeediyay ayaa ugu horeyn shacaba Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay weerarkii waxashnimo ee kooxaha nabadda ka soo horjeeda ka geysteen Muqdisho.

‘’Shacabka Soomaaliyeed wan uga tacsiyeynayaa dhibaatadii foosha xumeyd ee dhacdey shaley. Ujeeddooda waxa weeyaan inay niyad jebiyaan shacabka Soomaaliyeed, taasina weligood ma gaari doonaan. Waan hubaa in shacabka Soomaaliyeed ugu dambeyntii guuleysan doonaan. Mar mar waxaan is iraahdaa xoogaggan qaska wada waxay u adeegayaan quwado kale oo doonaya in Soomaaliya aaney ka bixin dhibka ay ku jirto. Laakiin mar walba waxaa guuleysanaya rabitaanka shacabka oo doonaya nabad iyo horumar”.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Geelle ayaa sidoo kale ka hadley doorkii Soomaaliya ay ka qaadatey halgankii xornimadoonka Djibouti iyo weliba taageeradii waddankiisa uu ka heley Soomaaliya xoriyadda kadib sannadkii 1977-kii.

Waxaa isna xafladda hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaaari.

Munaasabbada ayaa waxaa kale oo ka soo qeybgaley dhinaca Soomaaliya Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirrada Warfaafinta iyo Arrimaha Dibedda, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale, halka dhanka Djiboutina ay uga qeybgaleen Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Arrimaha Diinta Aadan Xasan Aadan, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

DHAMMAAD

DAAWO

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

unnamed (6)

unnamed (7)

unnamed (8)

Previous Post

Atletico Madrid oo u Soo Dhawaatay Kooxda Barcelona

Next Post

Madaxweyne Geelle oo la guddoonsiiyey biladda ugu sareysa Soomaaliya “DAAWO”

Next Post
Madaxweyne Geelle oo la guddoonsiiyey biladda ugu sareysa Soomaaliya “DAAWO”

Madaxweyne Geelle oo la guddoonsiiyey biladda ugu sareysa Soomaaliya "DAAWO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In