Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ku baaqey in la joojiyo colaadda gobolka Hiiraan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ku baaqey in la joojiyo colaadda gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Djibouti Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah baaq nabadeed iyo in colaadda la joojiyo u jeediyey maamulka , odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee gobolka Hiiraan.

Labada madaxweyne ayaa baaqan jeediyey mar ay booqasho gaaban ku tageen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowaanahan aafeeyey dagaalo u dhexeeya beelo iska soo horjeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inan la joogin xilli dhiig micno darro la daadiyo, wax kasta oo la isku haystana lagu xalin karo wadahadal .

β€œ Waa nasiibdarro in weli aad xal kama dambeys ah u heli weyseen colaaddan soo noqnoqotey. Waa markii afraad ee aan halkan idinkugu imaado anigoo wada fariin nabadeed. Haddana waxan mar kale idin leeyahay nabadda degdeg ha loo qaato. Ciidammada AMISOM ee halkan idin la jooga waxay idin ka saacidi karaan oo keliya inaad isku timaaddaan oo aad wadahadashaan, balse go’aanka kama dambeysta ah idinka ayaa iska leh oo baajin kara dhiig mar kale si micno darro ah ku daata”.

Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho laba maalmood qaadatey ku jooga Soomaaliya, ayaa isna baaq nabadeed oo kaa la mid ah halkaasi ka jeediyey, isagoo xusey sida uu uga xun yahay dhiigga dadka walaalaha ah ee weli ku daadanaya gobolka Hiiraan oo uu ku tilmaamey goob fac weyn oo taariikh muhiim ah ku leh Soomaaliya.

β€œMarkii aan qaatey go’aanka aan ciidanka ugu soo dirayo Soomaaliya, gaar ahaan degaannadan waxaa ujeeddadu ay ahayd inay gacan idin ka siiyaan si aad dhibaatada uga baxdaan nabaddana loo sugo. Laakiin waxaa wax laga xumaado ah in dadka degaanka ay dhexdooda isku jeestaan oo dhiig daadiyaan. Joojiya dagaalka, anigoo filayaa inaad qaadan doontaan taladeyda. Waxan doonayaa in marka aan ku laabto Djibouti aan shacabkeyga ku soo wargeliyo inaad nabad qaadateen. Gacan ayaan sidoo kale ka geysan doonaa baahiyada kala duwan ee ka jira gobolka haddii aad nabadda qaadataan’’, ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale la hadley ciidammada Djibouti ee ka tirsan AMISOM ee jooga Beledweyne, waxayna ku ammaaneen shaqada wanaagsan ee ay ka hayaan gobolka Hiiraan iyo degaannada ku xeeran.
Wafdiga labada madaxweyne ayaa safarkaasi kadib ku soo laabtey magaalada Muqdisho.

Previous Post

Daawo sawirada Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo booqday Beledweyne

Next Post

Roma oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Kooxaha Milan,Lazio iyo Empoli oo Badiyay

Next Post
Roma oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Kooxaha Milan,Lazio iyo Empoli oo Badiyay

Roma oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Kooxaha Milan,Lazio iyo Empoli oo Badiyay

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In