Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ku kulmay Addis Ababa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
January 29, 2018
in Wararka
0
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Suudaan oo ku kulmay Addis Ababa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kula kulmay Addis Ababa Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Albashiir, labada Madaxweyne oo kasoo qeyb galay shir-Madaxeedka 30-aad ee Midowga Afrika ayaa kulan goonni ah yeeshay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha Suudaan horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhinacyada Amniga iyo dib u heshiisiinta, Sidoo kale Madaxweyne Albashiir ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Soomaaliya safarradii Nabadynta iyo dib u heshiisiinta ee uu ku maray deegaanada Galmudug iyo Puntland, Madaxweyne Albashiir ayaa tilmaamay inay taasi tusinayso midnimada Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Madaxweynaha Suudaan ayaa sheegay in kulamo uu la qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guteras uu kala hadlay, sidii loo taageeri lahaa dib u dhiska ciidamada Soomaaliya welibana Qaramada Midoobay ugu raadin lahayd Kharashaad.

Madaxweyne Albashiir ayaa caddeeyey in dalkiisu diyaar u yahay in uu Soomaaliya ka caawiyo dhisidda Hay’adaha Dowladda iyo taageero kasta oo Soomaaliya uga baahato.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku ammaanay kaalinta wanaagsan ee taageerada iyo garab istaagga ay Dowladda Suudaan la garabtaagantahay Dowladda Soomaaliya wuxuuna sheegay inay sii xoojin doonaan wada shaqeynta iyo xiriirka labada dal.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah Madaxda Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Munaasabadda xil wareejinta hogaanka cusub ee gobolka Benaadir oo ka socoto xarunta dowladda Hoose “SAWIRRO”

Next Post
Munaasabadda xil wareejinta hogaanka cusub ee gobolka Benaadir oo ka socoto xarunta dowladda Hoose “SAWIRRO”

Munaasabadda xil wareejinta hogaanka cusub ee gobolka Benaadir oo ka socoto xarunta dowladda Hoose "SAWIRRO"

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In