Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo si weyn loogu soo dhaweeyay Beledweyne”Muuqaal+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo si weyn loogu soo dhaweeyay Beledweyne”Muuqaal+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ay gaareen magaalada Beledwyne ee xarunta gobolka Hiiraan soo dhaweyn aad u sareysay loogu sameeyay garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Soo dhaweynta labada Madaxweyne loogu sameyeeyay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya oo halkaasi horey ugu sugnaa, maamulka gobolka, saraakiisha Ciidanka AMISOM iyo boqolaal dadweyne oo ku nool magaalada Beledweyne .

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026

Xafladda soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Fitaax Xasan Afrax isagoo sheegay ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ay suurta geliyeen in maleeshiyaadka Al-shabaab laga saaro magaalada Beledweyne, waxaana mahadcelin balaaran u jeediyay Madaxweyne Geelle iyo guud ahaan shacabka dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dowaladaha Soomaaliya iyo Jabuuti uu ka dhaxeeyo xiriir walaaltinimo oo aad u qodo dheer isagoo tilmaamay in xukuumadda Jabuuti ay ka go’an tahay taageerada ay siinayaan shacabka walaalahooda ee Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ka dhanka ah kooxda Nabad diidka ah ee Al-shabaab wajigii koowaad oo ahaa in maleeshiyaadka Al-shabaab laga xoreeyo magaalooyinka waa weyn isla markaana hadda la bilaabayo wajiga labaad oo lagu furayo wadooyinka ay gooyeen kooxda Al-shabaab.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu si aad ah ugu xun yahay dagaal Beeleedyada ku soo laa laabtay gobolka Hiiraan isagoo balan qaaday in dowladda Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonto heshiisiinta Beelaha ku dagaalamaya deegaanada ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka uu goobta ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in ay ogolaadeen isla markaana ay soo dhaweeyeen in dowladda Jabuuti ay gacan ka geysan doono nabadeynta Beelaha walaalaha ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu amaan u jeediyay madaxweynaha iyo shacabka Jabuuti dadaalada ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale sheegay in taageerada ay dowladda Jabuuti siisay Soomaaliya aysan marna ilaabi doonin.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan uu ku adkeeyay in ay u guntadaan sidii heshiis buuxa u dhex dhigi lahaayeen Beelaha ku dagaalamaya qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

DAAWO

IMG_5616

IMG_5618

IMG_5628

IMG_5650

IMG_5660

IMG_5668

IMG_5673

IMG_5699

IMG_5701

IMG_5711

IMG_5721

IMG_5724

IMG_5756

IMG_5776

IMG_5791

IMG_5796

IMG_5853

IMG_5867

IMG_5871

IMG_5883

IMG_5925

IMG_5928

IMG_5953

Sawir Qaade: Qeys Hurdaaye

Previous Post

Ergada ka qeybgashay xuska 21 Fibraayo ayaa soo bandhigay Buugga ka hadlaya ahmiyadda Afka Soomaaliga

Next Post

Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo khudbad u jeediyay Ciidanka Jabuuti

Next Post
Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo si weyn loogu soo dhaweeyay Beledweyne”Muuqaal+Sawirro”

Madaxweyniyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo khudbad u jeediyay Ciidanka Jabuuti

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad XFS oo daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista xaaladda Beni’aadannimo ee dalka

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad eeXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane JibrilCabdirashiid Xaaji ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha iyo Ka-jawaabista...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚, 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐱𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐞𝐱𝐞 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐅𝐒

January 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha cusub ee...

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

Muwaadiniin ku xanibnaa Liibiya oo dalkooda Hooyo dib loogu soo celiyay

January 26, 2026
0

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), oo kaashaneysa Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta iyo...

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo Danjiraha Boqortooyada Sucuudiga kala hadlay Dib-u-dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha

January 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In