Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madxweynaha Puntland oo ka hadlay dagaallada Galgalo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Madxweynaha Puntland oo ka hadlay dagaallada Galgalo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Dowlad gobolleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Goor dhaweyd Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku xaqiijiyey in uu bilowday wajigii labaad ee dagaalka ay dawladdu kula jirto Burcad diimeedka Ururka Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya buuralayda Galgala .

Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa dagaalkaan waxa ay ku soo hoyeen guul halka ay dhabar jab xoogan gaarsiiyeen kooxda argagaixisada ah ee Al-shabaab, waxana ay cadowga ka dileen 34 halka ay ka dhaawaceen 17, waxaana ay ka gubeen laba mootar oo mid uu yahay kan loo yaqaan 82 midna uu yahay 62.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dagaalki dhacay 27 ilaa 29-kii bishii hore uu ciidamada Puntland wax dhimasho iyo dhaawactoona ka soo gaarin, waxaana ay ku qabsadeen dagaalkaasi saldhigyo horleh oo ay samaysteen kooxda Al-shabaab, waxaana kamid ah saldhigyadaasi madarshoon iyo sidookale meesha liyiraahdo dhagax-dhaabur oo hada si buuxda ay gacanta ugu hayaan ciidanka sooma-jeestayaasha ah ee Puntland.

‘’Dabadeed ciidamadu horay ayey u socdeen 3-dii bishaan ilaa maanta ayaa dagaalkii labaad bilowday, dagaalkaas ciidamadu waxa ay ku qabsadeen dhulkale oo tiro badan oo ay kamid tahay meesha guri-xoor, dhagax dheer, guri dharkeyn, guri xiis, karin xagarood iyo saldhigii ugu dambeeyey ee din-digle’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Dagaalkaas cadowga waxaa kaga dhintay 20, waxayna ciidanku ka dhaawaceen 29, ciidamada geesiyada Puntland dagaalkaasi waxaa kaga shahiiday 5-askari, waxaana ka dhaawacmay 4-askari, waxayna ku qabsadeen ciidamadu qalab tiro badan oo ay lahaayen burcad diimeedka Al-shabaab kana mid ahaayeen raadiyaasha ciidamada, firxadkoodina waxa ay u baxsadeen Gobolada waqooyi ee soomaaliya’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Dagaalkaasi sidookale waxa ay ciidamadu ku qabteen masuuliyiin waaweyn oo katirsan kooxdaasi Al-shabaab oo uu kamid yahay ninka layiraahdo Mukhtaar Cabdinuur Axmed kuna magac dheer Axmed Guray kana mid ahaa nimankii ugu cuslaa dhanka dagaal gelinta waxaa isna kamid ah ninka la yiraahdo Axmed Cabdi Maxamed oo isna kamid ah masuuliyiinta ugu waaweyn saraakiishaasi iyo kuwo kale oo waaweynba ciidanku gacanta ayey ku hayaan’’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Goobihii dagaalku uu ka dhacay waxaa hada si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Xooga Puntland, dawladda Puntland iyo shacabkeedana waxaa ka go’an in cadowgaasi la soo afjarao, lana garab istaago ciidanka Puntland hiil iyo hooba.

”Waxaan Rajaynayaa in firxadka kooxdaasi ay ka faa’iidaystaan Fursadaan, badbaadiyaana Noloshooda iyo aayahooda isuna soo dhiibaan Ciidamada Dowladda Puntland Meelkasta oo ay joogaan ”Ayuu yiri Madaxwayne Gaas.

 

 

-DHAMMAAD-

 

 

Previous Post

Roma oo Badisay iyo AC Milan oo Laga Badiyay “SAWIRRO”

Next Post

Mauro Zarate oo Si Amaah ah Ugu Biiray kooxda Queens Park Rangers “SAWIRRO”

Next Post
Mauro Zarate oo Si Amaah ah Ugu Biiray kooxda Queens Park Rangers “SAWIRRO”

Mauro Zarate oo Si Amaah ah Ugu Biiray kooxda Queens Park Rangers “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In