Saturday, May 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Magaalada Bariire oo lagu jebiyay Khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Magaalada Bariire oo lagu jebiyay Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, oo ay garab ka helayaan saaxiibada caalamka, ayaa jab culus gaarsiiyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, gobolka Shabeellaha Hoose, kadib howlgal qorsheysan oo guul leh.

Intii uu howlgalka socday, Khawaarijta ayaa isku dayay inay laba gaari oo miineysan ku soo weeraraan ciidamada, si ay u fuliyaan weerar naf-halignimo ah. Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxaana ay guuleysteen in ay si nabad ah u burburiyaan labada gaari ka hor intaysan waxyeello geysan.

Related posts

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

May 23, 2026
Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

May 22, 2026

Howlgalkan oo qeyb ka ah ololaha “Duufaanta Aamusan”, ayaa si toos ah loogu beegsaday saldhigyo istiraatiiji ah oo ay kooxda Khawaarijta ku lahaayeen gudaha magaalada, waxaana lagu jebiyay difaacooda. Intii uu socday howlgalka, in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay.

Howlgalka oo socday muddo afar maalmood ah, ayaa lagu gaaray guulo muhiim ah, inkastoo ay ku shahiideen 2 askari oo ka tirsan CXD, halka 12 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen, kuwaas oo si degdeg ah loogu sameeyay daryeel caafimaad.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si gaar ah u bogaadineysaa geesinimada, feejignaanta, iyo naftu-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada Uganda, iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamka. Wasaaraddu waxay mar kale adkeynaysaa go’aanka cad ee ah in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqullo ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ee Safiirro Cusub

Next Post

Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

Next Post
Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

May 23, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa duqeyn qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose,...

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan looga hortagayo faafidda cudurka Ebola oo lagu qabtay Muqdisho

May 22, 2026
0

Ku simaha Wasiirka ahna Wasir dowlaha wasaaradda caafimaadka XFS, Dr. Maryama Mohamed Hussein, ayaa shir gudoomisay kulan kadhacay Xarunta Hawlgallada...

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

Hay’adda SoDMA iyo Bisha Cas ee dowladda Qatar oo daahfuray mashruuca Udxiyada 1447H

May 22, 2026
0

Kaaliyaha Arrimaha Carabta Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Safiir Ku-xigeenka Dowladda Qatar Raashid...

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

May 22, 2026
0

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha Afrika ayaa billowday inay natiijooyin muuqda dhaliso. Arrintan waxaa shaaciyay Liu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In