Friday, July 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Magaalada Mandheera Kenya oo marti gelineysa Todobaadka dhaqanka Soomaalida “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 30, 2018
in Wararka
0
Magaalada Mandheera Kenya oo marti gelineysa Todobaadka dhaqanka Soomaalida “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa magaalada Mandheera ee Waqooyi bari Dalka Kenya ka soconeya qabanqaabadii ugu dambeysan ee ku aaddan bandhigga Toddobaadka dhaqanka Soomaalida oo halkaasi ka dhici doona dhawaan.

 

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025

Bandhig dhaqameedkan ayaa lagu marti qaaday dhammaan Bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga ee degta Gobolka Geeska Afrika, si ay halkaasi ugu debaal degaan, isla markaana ugu muujiyaan Hiddaha iyo dhaqanka Dadka Soomaaliyeed.

Madaxa Maamulka Waxbarashada iyo Dhaqanka Mandheera, Izzidun Cabdullaahi Cabdi ayaa sheegay inay qaban qaabadu marayso meel wanaagsan, isagoo intaa raaciyay inay sameeyeen qorshayaal ay ugu tala galeen inay munaasabaddu ku dhacdo jewi wanaagsan.

Cabdi ayaa sidoo kale sheegay inuu Bandhiggani u furan yahay dhammaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku hadasha Afka Soomaaliga si ay wax ugu bartaan dhaqankooda, Dalxiisayaasha iyo martida kaleba.

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Cali Roba, ayaa sheegay inay Mandheera kusoo dhoweynayaan dhammaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Geeska Afrika.

“Waxaan ku casuunnay Qof walba oo Soomaali ah, si uu u barto barto dhaqankeenna , taasina waxa ay xasuusin doontaa jiilalka cusub dhacdooyinkii Qarniyo hore, taas oo muhiim u ah  ilaalinta hiddaha iyo dhaqankeenna ,” ayuu yiri Guddoomiyhu.

Munaasabaddan ayaa lagu soo bandhigi doonaa, Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed, Sugaan kala duwan iyo Ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka.

 

Isha/ Daily Nation

 

Previous Post

Dadka deegaanka Bacaadweyne oo codsaday in wax laga qabto biyo la’aanta ka jirta deegaankooda

Next Post

Arday deeq waxbarasho ka heshay Suudaan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Khartuum “SAWIRRO”

Next Post
Arday deeq waxbarasho ka heshay Suudaan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Khartuum “SAWIRRO”

Arday deeq waxbarasho ka heshay Suudaan oo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Khartuum "SAWIRRO"

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

July 10, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta la kulmay Safiirka dowladda Turkiga Soomaaliya u jooga Mudane Alper...

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Khawaarijta oo isu dhiibay Ciidanka Amniga

July 10, 2025
0

Maxamed Xuseen Maxamed, oo ka mid ahaa maleeshiyaadka arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Guutada 23-aad...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka warbixisay qasaaraha fatahaadaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka hadlay abaarta ka jirta Gobalka Awdal

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macalin Cabdulle “Xaalada abaarta gobolka Awdal si gaar ah ayaa ula socnay, waxaana ka dowlad...

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga 

July 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In