Mahad Cabdalla Cawad, oo horay u ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop 104 ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.
Kursigan ayaa waxaa ku loolamaya Mahad Cabdalle cawad iyo Shukri Cali Faarax, Mahad Cabdalla Cawad ayaa helay codad gaaraya 84 Cod, halka Shukri Cali Faarax, oo la tartameysay aanay helin wax cod ah, waxaana xumaaday 17 cod, sida ay caddeeyeen guddiga doorashooyinka.