Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Malaaqa Xamar iyo Xamardaye oo kulan soo dhaweyn ah loo sameeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Malaaqa Xamar iyo Xamardaye oo kulan soo dhaweyn ah loo sameeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan soo dheweynta ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Guddoomiyeyaasha Gobollada Benaadir iyo Shabeelaha dhexe, siyaasiyiin, duubad, odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Guddoomiyeyaasha Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Cali Xuseen Guudlaawi oo ugu horey kulanka soo dhaweynta ka hadlay ayaa si wada jir ah u tilmaamay inay soo dhaweynayaan malaaqa, ayna diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

“Magaalada Muqdisho beryahan dhan waxa ay diyaar u tahay iyo maamulka gobolka banaadir , maamul ahaan iyo ciidamada nabad gelyada gobolka, dhamaan waxaan heegan u nahay in aan soodhaweyno, fududeyno, isku daba ridno, xafladaha is daba jooga ah ee lagu soo dhaweynayo malaaqa, malaaq Cali, Xamar iyo Xamardaye, anagana doorkeena, waan qaadaneynaa, Malaaqa xamar iyo xamardaye soo dhawoow ayaan ku leenahay, xamardaye ayaa nahay hadaan nahay shabeelaha dhexe, waan ku faraxsanahay duubkaaga, gogolkasta oo laguu dhigaayana diyaar ayaan ka nahay, garabkaaga ayaana taaganahay, Malaaq soo dhawoow Malaaq soo dhawoow”.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed , Ra’iisul wasaarihii hore ee xilligii KMG ah, Cali Maxamed Geeddi iyo siyaasiga Aadan Maxamed Cali ayaa si wada jir ah u tilmaamay in Malaaqa uu ku soo beegmay xilli loo baahnaa.

“Waxaad ku soo aaday Soomaaliya maalinay u baahantahay, dad gacanta u taaga, oo u yeera, oo yiraahda Soomaaliyeed, isu kaalaya, Waxay u baahantahay Soomaaliya dad adiga oo kale ah oo dhinac culimo ah, oo dhinac isimo ah, Soomaaliya waxa ay u baahantahay maalinteedii baad timi, Qaabka loo caleemo saaray ee maanta loogu xafladeynayo oo bilowga soo dhaweyntiisa aan ka arkeyno, inay daliil u tahay, in uu noqon doono mid anfaca dalka, dadka iyo diinta, ilaahay baan u baryeynaa in uu u fudeeyo xilka, waana la garab galeynaa, waxaa la rabaa raggii duubay, dowladda iyo dhamaanteen, ninkaan dantiisa gaarka ah in laga warqabo oo meel la dhigo”

Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Wehliye oo isna goobta ka hadlayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono dib u heshiisiinta iyo nabadda

“Waxaan ka shaqeyneynaa haddii uu Alle yiraahdo Nabadda, nabadgelyada, dib u heshiisiinta, qaranka Soomaaliyeed, si loo helo nabad iyo in la helo xal waara, maxaa yeelay haddii aan nabad la helin nolol ma jireyso, marka waxaan kaloo ugu baaqayaa Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, aan u dirayaa nabad gelyo,  dib u heshiisiin, wanaag, barwaaqo, isu keenid Ummaddan sidii la isu keeni lahaa, waxan kaloo Ummadda ugubaaqayaa dib u heshiisiin”

Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in kan Xildhibaan ahaan ay soo dhaweynayaan Malaaqa, ayna diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan.

“Malaaq soo dhawooe, aniga oo ku hadlaya magaca golaha baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, waxaan rajeyneynaa duub u dhigma Mas’uuliyadaada in aad ka qaadan doonto dalka, oo aan ognahay marxaladda uu xilligan ku suganyahay”

Wasiirada Howlaha guud iyo Kalluumeysiga Eng, Saalax Sheekh Cismaan iyo Maxamed Cumar Ceeymooy oo ugu dambeyn hadal kooban jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay inay garab taagamyihiin Malaaqa Xamar iyo Xamardaye.

“Duubintaaga aan malaaqa aan duubnay macnahaheedu waxa waaye astaamaha nabadda oo aan gaarnay, sidaa awgeed malaaqa waa Malaaq Soomaaliyeed, waxaana daliil u ah, duubkiisa waxaa ka qeyb gashay Soomaali oo idil, Garbahaaga aan joognaa, sida hadda la sheegay waan kula shaqeyneynaa, waxaan balan qaadaneynaa in hiil iyo hoo baa an kula garab taaganahay, wax Alle iyo wixii shaqadaada oo fududeyn kara oo anaga xageena ah, kaga aadan, kan gobol ahaan kan xukuumad ahaan, ka dadnimo ahaan, waxaan leeyahay garabkaag ayaan taaganahay, mudane Malaaq soo dhawoow Malaaq soo dhawoow ayaan ku leenahay”

IMG_6649 IMG_6653 IMG_6656 IMG_6660 IMG_6669 IMG_6694 IMG_6703 IMG_6716 IMG_6758 IMG_6762 IMG_6765 IMG_6770 IMG_6778 IMG_6797 IMG_6805 IMG_6807 IMG_6814 IMG_6822 IMG_6828 IMG_6839 IMG_6844  IMG_6856 IMG_6858 IMG_6859 IMG_6866 IMG_6873 IMG_6880 IMG_6883

 

 

 

Previous Post

Masjid cusub oo laga dhisay xaafadda Tarbuush ee degmada Wadajir

Next Post

Ra’isul wasaare Cumar oo sheegay in Al-Shabaab laga saari doono dalka oo dhan dhamaadka sanadkan

Next Post
R/W. Cumar: “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo deegaannada ku xeeran Xarar-dheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

Ra'isul wasaare Cumar oo sheegay in Al-Shabaab laga saari doono dalka oo dhan dhamaadka sanadkan

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In