Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Malaysia oo gargaar daawo & cunto u soo diraysa Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Malaysia oo gargaar daawo & cunto u soo diraysa Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in kaalmo dhaqaale ay ka heleen dalalka Malaysia iyo Indonesia, kadib shir lagu qabtay dalka Malaysia.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Mudane Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ku sugan dalka Malaysia ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOA u xaqiijiyay in kaalmo dhaqaale ay Soomaaliya ka heshay dalalka Indonesia iyo Malaysia, kuwaasi oo qeyb ka noqon doono gurmadka loogu jiro dadka ay abaaruhu ku saameeyeen qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Wasiirka difaaca Malaysia ayaa sheegay in qayb yar oo kamid ah askartooda ay u soo diri doonaan Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed looga gargaarayo abaarta, maadaama ciidankan ay yihiin kuwa u badan dhaqaatiir.

Wasiir Hishammuddin  waxa uu tilmaamay in ciidanku haatan ku sugan yahay magaalada Riyaad ee boqortooyada dalka Sucuudiga, loona diri doono Soomaaliya.

Wasiirku ayaa yiri, “Cumar wuxuu Wasaaradda daryeelka Malaysia ka codsaday inay Soomaaliya ka saacidaan cunto, daawo iyo dhakhaatiir.”

Hishammuddin ayaa warfidiyeennada u sheegay in codsiga uga yimid Soomaaliya ay fiiro-gaar ah siiyeen ayna golaha Wasiirrada Malaysia ansixiyeen shalay oo Jimce ahayd.

Gurmadka Soomaaliya loo dirayo waxaa la socda 3 sargaal iyo 17 ciidamada qalabka sida oo qaabilsan daawaynta.

Waxaa hadalladiisa kaloo kamid ahaa, “Xubnaha u socdaalaya Soomaaliya waxay sidaan cunto iyo daawo, waxayna isticmaali doonaan diyaaradda nooceedu yahay Hercules C-130”.

Ciidamada loo dirayo Soomaaliya ee haatan ku sugan Sucuudiga waa koox la doortay waxayna ka howlgaleen hadda kahor dalka Yemen oo ay kasoo badbaadiyeen shacab u dhashay dalka Malaysia oo Yemen ku sugnaa.

Sidoo kale dowladda Malaysia waxay raadinaysaa sidii dowladaha Carabta sida Sucuudiga, Baxrayn, Qatar iyo waddamada Asia dhaca ay u saacidi lahaayeen Soomaaliya

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway
[email protected]

Previous Post

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Cadan Axmed Suudaani oo ka hadlay doon lagu duqeeyay Xeebaha Yemen “Dhageyso”

Next Post

Soomaalida degan Dalka Suudaan oo sameystay Guddi gacan ka gaysta gurmadka Abaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Soomaalida degan Dalka Suudaan oo sameystay Guddi gacan ka gaysta gurmadka Abaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”

Soomaalida degan Dalka Suudaan oo sameystay Guddi gacan ka gaysta gurmadka Abaaraha Soomaaliya "SAWIRRO"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In