Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Malaysia oo gargaar daawo & cunto u soo diraysa Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 18, 2017
in Wararka
0
Malaysia oo gargaar daawo & cunto u soo diraysa Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay in kaalmo dhaqaale ay ka heleen dalalka Malaysia iyo Indonesia, kadib shir lagu qabtay dalka Malaysia.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Mudane Maxamed Cumar Carte Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo ku sugan dalka Malaysia ayaa laanta Afka Soomaaliga ee VOA u xaqiijiyay in kaalmo dhaqaale ay Soomaaliya ka heshay dalalka Indonesia iyo Malaysia, kuwaasi oo qeyb ka noqon doono gurmadka loogu jiro dadka ay abaaruhu ku saameeyeen qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Wasiirka difaaca Malaysia ayaa sheegay in qayb yar oo kamid ah askartooda ay u soo diri doonaan Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed looga gargaarayo abaarta, maadaama ciidankan ay yihiin kuwa u badan dhaqaatiir.

Wasiir Hishammuddin  waxa uu tilmaamay in ciidanku haatan ku sugan yahay magaalada Riyaad ee boqortooyada dalka Sucuudiga, loona diri doono Soomaaliya.

Wasiirku ayaa yiri, “Cumar wuxuu Wasaaradda daryeelka Malaysia ka codsaday inay Soomaaliya ka saacidaan cunto, daawo iyo dhakhaatiir.”

Hishammuddin ayaa warfidiyeennada u sheegay in codsiga uga yimid Soomaaliya ay fiiro-gaar ah siiyeen ayna golaha Wasiirrada Malaysia ansixiyeen shalay oo Jimce ahayd.

Gurmadka Soomaaliya loo dirayo waxaa la socda 3 sargaal iyo 17 ciidamada qalabka sida oo qaabilsan daawaynta.

Waxaa hadalladiisa kaloo kamid ahaa, “Xubnaha u socdaalaya Soomaaliya waxay sidaan cunto iyo daawo, waxayna isticmaali doonaan diyaaradda nooceedu yahay Hercules C-130”.

Ciidamada loo dirayo Soomaaliya ee haatan ku sugan Sucuudiga waa koox la doortay waxayna ka howlgaleen hadda kahor dalka Yemen oo ay kasoo badbaadiyeen shacab u dhashay dalka Malaysia oo Yemen ku sugnaa.

Sidoo kale dowladda Malaysia waxay raadinaysaa sidii dowladaha Carabta sida Sucuudiga, Baxrayn, Qatar iyo waddamada Asia dhaca ay u saacidi lahaayeen Soomaaliya

Maxamed Jaamac Faarax
Oslo, Norway
[email protected]

 

Previous Post

Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Cadan Axmed Suudaani oo ka hadlay doon lagu duqeeyay Xeebaha Yemen “Dhageyso”

Next Post

Soomaalida degan Dalka Suudaan oo sameystay Guddi gacan ka gaysta gurmadka Abaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post
Soomaalida degan Dalka Suudaan oo sameystay Guddi gacan ka gaysta gurmadka Abaaraha Soomaaliya “SAWIRRO”

Soomaalida degan Dalka Suudaan oo sameystay Guddi gacan ka gaysta gurmadka Abaaraha Soomaaliya "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In