Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyaadka Shabaab oo cuna-qabateyn ku soo rogay dadka ku nool bariga gobolka Galgaduud

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Alshabaab oo u kala jabay Alqaacidda iyo Daacish
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa is hortaag ku sameeyey Badeecooyinkii la geyn jiray Degmooyinka iyo Deegaannada Bari ee Gobolka Galgaduud, iyagoo hakiyay gaadiidkii Ganacsiga geyn jiray deegaanada  Gal-hareeri iyo Ceel-buur, Ceel-garas, Ceel-lahelay, Ceel-qooxle iyo  Xiin-dheere.

Gaadiidka Maleeshiyaadku go’adoomiyeen waxa ay Badeecooyin kala duwan geyn jireen Deegaanadaasi oo ay ku suganyihiin haraadiga Maleeshiyaadka Shabaab, sidoo kala gaadiidkaasi waxa ay deegaannadaasi ka soo qaadi jireen Xoolaha loo iib geeyo meelo ay ka mid tahay Magaalada Gaalkacyo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Arintaan ayaa timid kaddib markii maleeshiyaadka Shabaab ay ganacsatada ka dalbadeen lacago baad ah, taasoo ay ganacsatadu ku gacan seyreen, iyadoo dhagarqabayaashu ku dhaqaaqeen falkan cunaqabteynta ah oo ay ku soo rogeen gaadiidleyda isaga kala goosha deegaannadaasi, .

Mid ka mid ah gaadiidleyda oo magaciisa lagu soo gaabiyay Xasan ayaa lagu soo waramayaa in uu ku xiranyahay deegaanka Xiindheere gaarigiisina uu halkaasi yaallo kaddib markii uu dhegaha ka fureystay dalabka kooxda ee ah in uu bixiyo lacago baad ah.

Cunaqabateynta ay dhagar qabayaasha Shabaab ku soo rogeen dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaannadaasi ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka joogtada ah oo ay kooxdu ka waddo deegaannada dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Wixii ku soo kordha halkan kala soco

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Barakacayaal bacaha roobka loogu qeybiyay Cadaado+Sawirro

Next Post
Barakacayaal bacaha roobka loogu qeybiyay Cadaado+Sawirro

Barakacayaal bacaha roobka loogu qeybiyay Cadaado+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In