Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maleeshiyada Al-Shabaab Oo Jab Xoogan Loogu Geystay Deegaanka Shabeellow Ee Gobolka Mudug

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Maleeshiyada Al-Shabaab Oo Jab Xoogan Loogu Geystay Deegaanka Shabeellow Ee Gobolka Mudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararkii u danbeeyay oo aan ka helayo dad ku sugan deegaanka Shabeellow ayaa sheegaya in jab xoogan loogu geystay kooxdii Argagixisada Al-Shabaab ee dadka shacabka ku xasuuqay deegaankaasi, waxaana haatan howlgalka si toos ugu biiray cutubyo ka tirsan  ururka lixaad guutada 16aad ee ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga ceyriyay deegaanka Shabeellow oo qiyaastii 20-km u jira deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa inay galeen dhufeyso ay ka sameysteen deegaanno u dhaxeeya Shabeellow iyo Caad ee Gobolka Mudug, waxaana dadka deegaanka oo kaashanaya ciidanka Danab ay wadaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan Nabadgelyada deegaanka.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Aroornimadii hore ee saaka ayay ahayd markii argagixisada Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo kusugan deegaanka Shabeellow, kuwaasi oo doonayay inay ka qaataan lacago iyo xoolo baad ah, balse ay ka biyo diideen dadkii dagaanka, waxaana halkaasi ka dhashay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana argagixisada Al-Shabaab loogu geystay qasaare fara badan, lagana ceyriyay deegaanka Shabeellow.

Previous Post

Mas’uuliyiin Ka Qeyb Galay Kulan Dhallinyarada Gobolka Shabeelaha Dhexe Ku Xusayeen Maalinta Dhallinyarada Adduunka “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Garsoorka Galmudug “Waxaan Sare U Qaadeynaa Tayada iyo Hannaanka Uu U Shaqeeyo Garsoorka”

Next Post
Wasiirka Garsoorka Galmudug “Waxaan Sare U Qaadeynaa Tayada iyo Hannaanka Uu U Shaqeeyo Garsoorka”

Wasiirka Garsoorka Galmudug “Waxaan Sare U Qaadeynaa Tayada iyo Hannaanka Uu U Shaqeeyo Garsoorka”

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In