Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waddamada Yurub oo Maal-gelinaya Afrika si looga Hor-tago Faqriga iyo Qulqulka Qaxootiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Waddamada Yurub oo Maal-gelinaya Afrika si looga Hor-tago Faqriga iyo Qulqulka Qaxootiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Midowga Yurub ayaa maanta shaaciyay in maal-gelin deg-deg ah ay ku sameyn doonaan Afrika, iyagoo ku deeqay dhaqaale gaaraya 2-bilyan oo doollar, si wax looga qabto saboolnimada iyo colaadaha, kuwaasoo sabab u ah qoxootiga faraha badan ee ku qulqulaya Qaaradda Yurub.

Yaboohan dhaqaale oo looga dhawaaqay kulan ay madaxda Yurub iyo Afrika uga socday laba maalmood jasiiradda Malta, iyadoo mas’uuliyiinta ururka Midowga ay gaba-gabadii kulanka ka sheegeen in waddamada Yurub ay lacagtan bixiyaan, iyadoo waddo dhowr ah ay kaga dhawaaqeen kuklanka yaboohooda.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Sidoo kale, kulanka ayaa laga soo sheegay in 28-ka dal ee Qaaradda Yurub ay sannadkiiba bixin doonaan 20-bilyan oo Euro, taasoo lagu caawinayo dalalka Qaarada Afrika. Waxaana dhaqaalahan lagu bixin doonaa mashaariic ay ka mid yihiin tababarro, ganacsiyada yar-yar ee dadka Afrika loo sameynayo, ka hor-tagga cunno yarida, joojinta tahriibka, ka hortagga xajirnimada iyo colaadaha kale.

Qaaradda Yurub ayaa waxaa lasoo gudboonaaday dhibaatooyinkii ugu xumaa in ka badan Nus Qarni, iyadoo sannadkan ay waddamada Yurub galeen qoxooti ka imaanaya Suuriya iyo waddamo ah, taasoo sababtay in shirka Malta la qabto.

Dhaqaalahan ay Yurub ugu deeqday Afrika ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa dallaka ay dhibaatooyinku ka jiraan ee ay ka imaanayaa qoxootiga Yurub ku qul-qulaya, sida dalalka Geeska Afrika, kuwa ka hooseeya saxaraha iyo dalalka ku yaalla Waqooyiga Afrika.

Waddamada Midowga Yurub ayaa waxay sanad walba siin jireen ururkooda 78-milyan oo Euro, balse madaxda Midowga Yurub ayaa waxay rajeynayaa inay lacagtu intaas ka badan doonto. Iyadoo madaxdii waddamada Afrika ee shirka ka qaybgalay ay qaarkood sheegeen in dhaqaalaha lagu baaqay aan waxba looga qaban karin dhibaatada ka jirta Afrika.

“Yaboohaan dhaqaale ma ahan mid dhibaatada jirta Qaarada Afrika wax looga qaban karo. 1.8 milyan Euro waa mid aan ku filnayn baahiyaha jira,” ayuu yiri madaxweynaha Niger, Mahamadou Issoufou oo intaas ku daray in xilligaan ay Afrika wajahayso ay ka mid yihiin tahriibka iyo abaaraha.

Mahamadou Issoufou oo sii hadlayay ayaa yiri. “Qaaradda Afrika uma baahna oo keliya in la saacido, balse waxay u baahan tahay in la hagaajiyo maamullada, ganacsiga caalamkana uu noqdo mid cadaalad ku dhisan. dalalka Afrika waxay u baahan yihiin in lagu sameysto maal-gashi dheeraad ah. Gargaarka la siinayo dalalka Afrika waa mid wanaagsan, balse ma ahan mid ku filan baahiyaha jira.”

Dhanka kale, mas’uuliyiinta ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in dhaqaalaha ay Afrika ku caawinayaan uu yahay mid ay ugu talo-galeen in wax looga qabto tahriibka faraha ka baxay, iyagoo ballan-qaaday inay Qaaradda ku caawinayaan dhaqaale intaan ka badan.

Ugu dambeyn, Warbixinta lagu soo saaray shirka Malta ku dhexmaray Afrika iyo Yurub ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli toddobaadkii hore ay mas’uuliyiinta Midowga Yurub ay sheegeen in 3-milyan oo qof oo magan-galyo doon ah ay Yurub kusoo wajahan yihiin illaa sannadka 2017-ka.

Previous Post

DAAWO SAWIRO:- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan.

Next Post

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Arrinta La Xiriirta Gidaarka Kenya Ay Ka Dhiseyso Xadka Soomaaliya Iyo Kenya “Dhageyso+Sawirro”

Next Post
Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Arrinta La Xiriirta Gidaarka Kenya Ay Ka Dhiseyso Xadka Soomaaliya Iyo Kenya “Dhageyso+Sawirro”

Barnaamijka Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Arrinta La Xiriirta Gidaarka Kenya Ay Ka Dhiseyso Xadka Soomaaliya Iyo Kenya “Dhageyso+Sawirro”

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In