Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Manchester City oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Kooxaha Arsenal iyo Stoke oo Guulo Gaaray “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Ciyaaraha
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium barbardhac 2-2 ah kula gashay kooxda Burnley.

Kooxda Manchester City ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan David Silva.

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Silva goolSilva celee

Ciyaaryahan Fernandinho ayaa daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Manchester City,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Fern goolFer goolFernan celeeFer celee

Ciyaaryahan George Boyd ayaa bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta gool u dhaliyay kooxda Burnley.

Boyd goolBoyd celee

Ciyaaryahan Ashley Barnes ayaa daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta goolka labaad ee barbardhaca u dhaliyay kooxda Burnley.

Ashley goolAshley Celeee

Kooxda Manchester City ayaa ka faa’ideysan waysay barbardhacii ay gashay kooxda Chelsea,waxana ay iska qasaarisay fursad ay hal dhibic u jirsan lahayd kooxda Chelsea.

Kooxda Manchester City ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska uga jirto kaalinta labaad,waxana ay leedahay 43-dhibcood,halka kooxda Burnley ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeya.

Kooxda West Ham United ayaa kulankii London derby waxa garoonkeeda Upton Park 1-2 uga badiyay kooxda Arsenal.

Kooxda Arsenal ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 41-aad ee ciyaarta gool rigoore ah u dhaliyay ciyaaryahan Santi Cazorla.

PenPen KiSanti Celee

Ciyaaryahan Danny Welbeck ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Arsenal,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Wel goolWel CeleeCeleee

Ciyaaryahan Cheikhou Kouyate ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka kaliya u dhaliyay kooxda West Ham United.

Koyte goolKo celee

Kooxda Arsenal ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska ka soo gashay shanaad,waxana ay leedahay 33-dhibcood,halka kooxda West Ham United ay u dhaadhacday kaalinta kaalinta lixaad,iyadoo leh 31-dhibcood.

Kooxda Stoke City ayaa garoonkeeda Britannia Stadium 2-0 uga badisay kooxda West Bromwich Albion.

Ciyaaryahan Mame Biram Diouf ayaa bilowgii danbe ee ciyaarta labo gool u dhaliyay kooxda Stoke City.

Do=iof goolCeleegooolad

Kooxda Stoke City ayaa kala horeynta horyaalka ingiriiska ka soo gashay kaalinta tobanaad,waxana ay leedahay 25-dhibcood,halka kooxda West Bromwich Albion ay horyaalka uga jirto kaalinta 16-aad,iyadoo leh 17-dhibcood.

Kooxda Hull City ayaa waxaa garoonkeeda KC Stadium 0-1 uga badiyay kooxda Leicester City.

Ciyaaryahan Riyad Mahrez ayaa daqiiqadii 33-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Leicester City.

Riyad goolgooolCalee Celee cilee

Kooxda Hull City ayaa horyaalka uga jirto kaalinta 17-aad,waxana ay leedahay 16-dhibcood,halka kooxda Leicester City ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee horyaalka ugu hooseeyo.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maser u ambabaxay

Next Post

Newcastle United oo Ka Badisay Kooxda Everton “Sawirro”

Next Post

Newcastle United oo Ka Badisay Kooxda Everton “Sawirro”

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In