Tuesday, August 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maraykanka oo ku baaqay in la dajiyo xaaladda bariga dhexe iyo Midawga Yurub oo ka soo hor jeestay go’aanka Trump

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Maraykanka oo ku baaqay in la dajiyo xaaladda bariga dhexe iyo Midawga Yurub oo ka soo hor jeestay go’aanka Trump
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waddanka Maraykanka ayaa ku baaqay degenaansho Bariga Dhexe iyo dejinta geeddi-socodka nabadda, halka wasiirrada arimaha dibadda  Midowga Yurub ay si adag uga soo horjeesteen dalab uga yimi R/wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu kaas oo ahaa inay qudus u aqoonsadaan caasimada israaiil

Aqalka cad ee maraykanka ayaa sheegay in uu sii wadayo geeddi socodka nabada bariga dhexe isla markaana ku baaqayo in la dajiyo xaalada

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Cirka oo ka wada hadlay diyaar-garowga Super El Niño

Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Cirka oo ka wada hadlay diyaar-garowga Super El Niño

August 11, 2026
Ciidamo ka tirsan Gorgor oo tababar loogu soo gabagabeeyay Turkiga oo soo gaaray Muqdisho 

Ciidamo ka tirsan Gorgor oo tababar loogu soo gabagabeeyay Turkiga oo soo gaaray Muqdisho 

August 11, 2026

Dhanka kale, kulan ay wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub kula qaateen magaalada Brussels R/wasaaraha wadanka Israel Benjamin Netanyahu ayay ku cadeeyeen siday uga soo horjeedaan talaabadii Maraykanku ugu aqoonsadey qudus caasimadda israaill.

Federica Mugherini  oo ah madaxa siyaasada midawga yurub  ayaa sheegtey in midawga Yurub sii wadi doonaa in uu ku guuleysto xalinta labada dawladood,” Waa wakhtigii  ay bilaabaan lahaayeen  wadahadal nabadeed oo u dhexeeya Israel iyo Falastiin, xal kaliya oo macquul ah waa in la aqoonsado laba dawladood oo Qudus  la yiraahdo caasimadooda.”.

Hadalada Mugherini waxay ay ka dambeeyeen kadib Benjamin Netanyahu uu ku adkaystey in qudus tahay caasimada israaiil isla hadana xafiisyada ugu badan dawlada Israel ay ku yaalaan  Aqoonsiga Qudus oo ah caasimadda Israel waa aqoonsi xaqiiqa ah waxayna xallin doontaa dhibaatada Bariga Dhexe ee suurtogalka ah,” ayuu yiri.

Dhiniciisa, Wasiirka aArrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Yves Laudrian ayaa sheegay in Midowga Yurub Qorsha Trump aanu ula muuqan karin nabadda.

War saxaafadeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada ee Yurub, ayuu Ludrian ku boorriyay Washington inay u dirto ergeyga gaarka ee maraykanka u qaabilsan  nabadda ee Bariga Dhexe, Jason Greenblatt,iyo madaxa la taliyayaashiisa Jared Kouchner.

Intii uu socday shirkani waxa barxada hore ee goobta shirku ka socday banaan bax looga soo horjeedo booqashada Netanyahu ku joogo magaalada Brussels dadka banaan baxayay oo ku dhawaaqayay in midawga yurub goaan adag ka qaato arinta Israel isla markaana Israel joojiso deegaamaynta ay ka wada dhulka falastiiniyiinta

Markii uu ku dhaqaaqey Donald trump qudus inay tahay caasimada Israel waxa isa soo taraya banaan baxayada ka dhacayay dunida oo dhan sidoo kalana waxa isku dhacyo ka bilaabmeen daanta galbeed iyo Gaza kuwaasoo u dhexeeya falastiiniyiinta iyo Israel

Dhanka kale qaramada midoobey ayaa ugu baaqay ciidamada Israel in ay dhawraan dadka falastiiniyiinta ah ee mudaharaadaya

Bisha cas ee falastiin ayaa sheegtey in 166 falastiiniyiina ku dhaawacmeen iska hor imaadka

Previous Post

Shirweyne Qaran oo la xiriira shaqada xeer ilaalinta ayaa laga furay Muqdisho

Next Post

Wafdi uu hogaaminaya Agaasimaha Radio Muqdisho oo ka qeygalaya shirka Midowga Warbaahinta Carabta+Sawirro

Next Post
Wafdi uu hogaaminaya Agaasimaha Radio Muqdisho oo ka qeygalaya shirka Midowga Warbaahinta Carabta+Sawirro

Wafdi uu hogaaminaya Agaasimaha Radio Muqdisho oo ka qeygalaya shirka Midowga Warbaahinta Carabta+Sawirro

Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Cirka oo ka wada hadlay diyaar-garowga Super El Niño

Guddoomiyaha SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Cirka oo ka wada hadlay diyaar-garowga Super El Niño

August 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la yeeshay Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka...

Ciidamo ka tirsan Gorgor oo tababar loogu soo gabagabeeyay Turkiga oo soo gaaray Muqdisho 

Ciidamo ka tirsan Gorgor oo tababar loogu soo gabagabeeyay Turkiga oo soo gaaray Muqdisho 

August 11, 2026
0

Taliyaha Qaybta 1-aad ee Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Gorgor Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/sare Saahid Jaamac Faarax...

NISA oo fashilisay qorshe ay Khawaarijtu ku doonayeen inay ku waxyeelleeyaan shacabka

NISA oo fashilisay qorshe ay Khawaarijtu ku doonayeen inay ku waxyeelleeyaan shacabka

August 11, 2026
0

Howlgal qorsheysan oo ay Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ka fuliyeen inta u dhexeysa Kabtan Naas iyo...

Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo saaka ka furmay  Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha oo saaka ka furmay  Muqdisho

August 11, 2026
0

NAFIS 2026 waa madal qaran oo diiradda lagu saarayo maalgashiga beeraha, wax-soo-saarka cuntada iyo xoojinta amniga cuntada Soomaaliya. Shirku wuxuu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In