Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Caalamka

Maraykanka oo mar kale  ku hanjabay cunoqabatayn Turkiga ku soo rogo

admin by admin
7 years ago
in Caalamka, Wararka
0
Madaxweynaha Turkiga oo shir Jaraaid ku qabtey Ankara
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maraykanka ayaa mar kale ku hanjabay in uu cunoqabayno dhaqaale oo dheeraad ah ku soo rogi doono Turkiga, hadii uu sii dayn waayo Baadari Maraykan ah oo dalkaa ku xiran.

Andrew Brunson ayaa labada sanadood ku dhawaad ugu xidhan Turkiga Eedo ah inuu xiriir la leeyahay Ururo siyaasadeed.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026

Is maan dhaafka ka dhashay sii dayntiisa ayaa dhaliyey in labadaa dal ee gaashaan buurta Nato ka wada tirsani uu mid ba ka kale badeecadaha uu u dhoofiyo cashuuro dheeraad ah ku soo rogo sida BBC lagu qortey

Arintaasi waxay uga sii dartay in hoos u dhac yimaado lacagta Turkiga ee Lira-ha oo qiimaheedu hoos u dhacay saddex meelood meel tan iyo bishii Janaayo

Taasi oo dhalisay in aad loo xaraasho saamiyada sayladaha soo koraya iyo cabsi ah in dhaqaalaha aduunku hoos u dhac ku yaamada.

Lacagta Turkigu waxay hoos u dhicii qiimaheeda in yar ka soo kabatay horaantii todobaadkan markii xukuumaddu cashuuro dheeraad ah ku soo rogtay badeecadaha Maraykanku u dhoofiyo ee ay ka mid ka yihiin gawaadhida, khamriga iyo buurigu. Laakiin soo kabashada lacagta Turkiga weli waxa dul hoganaya cabsi hor leh oo ka dhalatay hanjabaadda Maraykanka.

Madaxweynaha Turkiga ayaa Todobaadki hore sheegay in ay soo Dhaweynayaa Xiriirada Cusub e Maalgashi iyo Ganacsi.

Dawlada Qatar ayaa Turkiga 15 bilyan oo Maalgashi heshiis ah la gashey iyadoo Qadar ay tahaey Dawladii ugu horeysay oo is garab taagta Turkiga

Todobaadkii hore ayaa Maraykanku laban laabay cashuuraha laga qaado birta Turkigu u dhoofiyo, Khamiistiina wasiirka maaliyadda Maraykanka, Steven Mnuchin, ayaa waxa uu yidhi “waxa jira qorshe kale oo aanu ka baaraan degayno in aanu meel marino hadii ay si dhakhso ah u sii dayn waayaan [Baadarigaa]”.

Xabsiga Brunson,

Turkigu waxa uu ku eedeeyey Brunson, oo madax ka ah Kaniisad yar oo ku taal Izmir, in uu xidhiidh la leeyahay ururka la xaaraantinimeeyey ee Kurdistan Workers Party iyo dhaqdhaqaaqa Gulen oo Turkigu ku eedeeyo in uu ka dambeeyey af-gembigii dhicisoobay laba sanadood ka hor.

Trump ayaa fariin uu ku qoray Twitter-ka waxa uu ku sheegay in Turkigu “ka danaysanayey Maraykanka sanado badan” iyo sidoo kale in Brunson yahay “wadani af-duuban”.

Bankiga dhexe ee Turkiga ayaa Isniintii sheegay in Bankiyada [gaarka loo leeyahay] ee dalkaas la siin doono lacagta naqadka ah ee ay u baahan yihiin si loo suurto geliyo in lacagtu ku dhex wareegto suuqa maaliyadeed ee dalkaas.

Hase ahaatee waxa jira calaamado muujinaya in hoos u dhaca qiimaha lacagta Turkigu durba uu ku fidayo dunida. Lacagta Rand ee Koonfur Afrika, ta Ruushka ee Rouble, Rupee-ga India iyo ta Indonesia ee Rupiah ayaa dhamaantood uu saameeyey baaxaa degga maaliyadeed ee Turkigu

Previous Post

Guddoomiyaha G/banaadir oo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ku soo dhaweeyey Xarunta Dawladda Hoose “Sawirro”

Next Post

Tirada dad Dhimasha iyo dhaawaca oo Buundada duntay e Geneva o korortay

Next Post
Tirada dad Dhimasha iyo dhaawaca oo Buundada duntay e Geneva o korortay

Tirada dad Dhimasha iyo dhaawaca oo Buundada duntay e Geneva o korortay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

Ra’iisul Wasaare Xamse oo agaasime guud magacaabay

January 25, 2026
0

  RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgal ku dilay horjeege ka tirsan Khawaarijta

January 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLADA HOOSE):-Ciidamada Xoogga Dalka oo sii wada howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyada Khawaarijta ayaa dilay horjooge lagu magacaabo Timaweyne, ka...

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In