Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo balan-qaaday inuu dadaal u gali doono sidii loo joojin lahaa dagaalka Itoobiyo ka socda

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo balan-qaaday inuu dadaal u gali doono sidii loo joojin lahaa dagaalka Itoobiyo ka socda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xukuumadda Washington ayaa ballan-qaadday inay dadaallo u gali doonto sidii loo dejin lahaa xiisadda dagaal ee ka taagan dalka Itoobiya, xilli waddamada Afrika ay walaac kamuujiyeen dagaallada kasii socda dalkaas ee u dhexeeya ciidammada dowladda iyo xoogagga is baheystay ee Jabhadda Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa warbixin kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in dagaalada sii xoogeysanaya ee ka socda Itoobiya aan la aqbali karin, waxayna ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya  Itoobiya inay joojiyaan dagaalak oo ay u soo diyaar garoobaan wada hadallo, si xal looga gaaro dhibaatada ka taagan dalka.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Ergeyga Joogtada ah ee Dowladda Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Linda Thomas Greenfield, ayaa sheegtay intii lagu guda jiray fadhi Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka yeesheen qalalaasaha Itoobiya in aan loo dulqaadan Karin waxyaabaha foosha xun ee ka dhashay dagaalada ka socda Itoobiya.

Linda Thomas, ayaa tiri: “ Midnimada iyo wadajirka dawladda Itoobiya waxaa soo wajahay khatar baahsan,  taas oo malaayiin rayid ah oo aan waxba galabsanina ay halis ugu jiraan, walina waxaa noo muuqda in ay sii balaaraneyso waxyeellada dagaalka”.

Dhanka kale, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda iyo dhismaha nabadda Rosemary DiCarlo, ayaa ka digtay in dagaalka sokeeye ee ka socda gudaha Itoobiya.

Ugu danbeeyntii Mareykanka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya inay si deg deg ah u joojiyaan dagaallada, iyaga oo xusay in haddii dagaalada ay sii socdaan uu dalka wajahayo khatar baahsan.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha XFS oo furay Madasha arrimaha Bani’aadminimada ee Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo wafdi ay hogaamineyso oo maanta gaaray magaalada Jowhar

Next Post
Wasiirka Caafimaadka XFS iyo wafdi ay hogaamineyso oo maanta gaaray magaalada Jowhar

Wasiirka Caafimaadka XFS iyo wafdi ay hogaamineyso oo maanta gaaray magaalada Jowhar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In