Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo in Taliban la wareegto Kabul ku tilmaamay ‘arrin qalbiga xanuujineysa’

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo in Taliban la wareegto Kabul ku tilmaamay ‘arrin qalbiga xanuujineysa’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa la-wareegista Taliban ee dalka Afghanistan ugu yeeray “mid qalbiga xanuujineysa,” wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka shaqeynayaan inay dhammaan dadka Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey kasoo saaraan dalkaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken ayaa sheegay in badqabka shaqaalaha Mareykanka, oo weli ku sugan safaaradda, iyo Afgaaniyiinta caawiyey ay tahay “shaqadooda koowaad.”

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

“Mareykanka wuxuu sameyn doonaa wax kasta oo suurta-gal ah oo aan awoodno, si aan uga soo baxno dalka, haddii taas ay tahay waxa ay doonayaan, Taliban waxba ma aynan weydiisan. Waxaan u sheegnay haddii ay faraha lasoo galaan shaqaalaheena ama holwgalladeena inta aan ka baxeyno, ay jiri doonto jawaab deg deg ah oo adag,” ayuu Blinken u sheegay telefishinka CNN.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Sabtidii amray in 1,000 askari oo kale oo dheeraad ah loo diro Kabul, si ay gacan uga geystaan sugidda ammaanka hantida iyo shaqaalaha Mareykanka iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey ciidamada Mareykanka.

Guud ahaan 4,000 oo Mareykan ah ayaa la filayaa in tagaan Kabul maalmaha soo socda, si ay u xoojiyaan 650 oo askari oo Mareykan ah oo dalkaas horay u joogay.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Afghanistaan Madaxweyne Ashraf Ghani iyo ku xigeenkiisa Amrullah Saleh isaga baxay dalka oo intiisa badan ay la wareegtay kooxdu.

Madaxweyne Ghani ayaa waayihii dambe la kulmaayay cadaadis ah inuu iska casilo xilka madaxtinimada, maadaama magaalooyinka waaweyn ee ku hareereysan caasimadda Afgaanistaan ay gacanta u galeen mintidiinta Taliban.

Dr. Xuseen Yoonis Xasan oo ah sarkaal sare oo Soomaali ah, kana tirsan Qaramada Midoobey ayaa isagii ku sugan Kabul waxa uu u waramay Radio Muqdisho, isagoo sheegay in magaalada ay gacan ku heynteeda la wareegtay Taliban.

Hoggaamiyaha Taliban oo ku sugan madaxtooyada dalkaas ayaa ka soo muuqday warbaahinta. Waxaan la sheegay in kooxdu shaacisay inay berri ku dhawaaqi doonto dowlad islaami ah.

Previous Post

Sawirro: Guddoomiye Cumar Filish oo D/Hiliwaa ugu qeyb-galay munaasabad xil-wareejin ah

Next Post

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulan ay yeesheen ku go’aamiyey shir ka dhaci doona Muqdisho

Next Post
Shir Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay ku yeesheen Zoom-ka oo looga hadlay qodobo muhiim ah

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo kulan ay yeesheen ku go'aamiyey shir ka dhaci doona Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In