Washington ayaa ogolaatay in Poland ay ka iibsato nooc ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaanno Apache helicopters, heshiiskaas oo ku kacaya lacag gareeysa 12 bilyan oo dollar.
Heshiiskaasn ay wada gareen Mareykanka iyo Poland, ayaa waxaa si weyn u sooย dhaweeyay xulafada taageersan Ukraine, waxayna u arkaan inay jawaab u tahay duulaanka Ruushka.
Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in heshiiskan uu ansixiyay Congress-ka, uuna kor u qaadayo awoodda Poland, sidokalana diyaaradahana ay ka qayb qaadan doonaan hawlgalada NATO.
Poland ayaa ku dhiiratay dadaalka uu Maraykanku ku taageerayo Kiev ee looga hortagaya duulaanka Ruushka, waxaana xusid mudan in hub Marayka ee la geeyay dalka Ukraine laga soo tallaabiyay xuduudka Poland.