Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Mareykanka oo Soomaaliya ka cafiyey lacag deyn ah oo dhan $1 Bilyan oo Doollar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si wadajir ah loogu saxiixay heshiis dowladda Soomaaliya looga cafiyey in ka badan $1 Bilyan oo Dollar Mareykanka ah. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Richard H. Riley ayaa si wadajir ah heshiiskaan ugu kala saxiixday xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Heshiiskaan taariikhiga ah ee Dowladda Mareykanka uga cafisay Soomaaliya Deymihii ay ku lehayd ayaa daba socda, kaddib markii bishii March ay Soomaaliya ka cafiyeen Deymihii lagu lahaa Soomaaliya dalalka Naaadiga Paris club, Ruushka, iyo dalalka kale oo badan. Arrintaan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaaladii hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya ee in muddo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya soo wadday.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026

Saxiixa heshiiska kaddib, waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo Safiirka Dowaldda Mareykanka ee Soomaaliya,isagoo sheegay in heshiiskaan uu yahay mid taariikhi ah, oo Soomaaliya fursad muhiim ah siinaya.

” Waxa aan maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay dhammaystirka heshiiska Deyn Cafinta ee Dowladda Mareykanka isaga oo uu i weheliyo Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Richard H. Riley. Wadarta guud ee deynta Dowladda Mareykanka ay maanta Soomaaliya ka cafisay ayaa ah, $1 billion (1 bilyan oo doollar Mareykanka ah”). Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka iyo Shacabka Mareykanka taageerada muhiimka ah ay siiyaan Soomaaliya ee dhanka horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka.

Previous Post

Ku-simaha Madaxweynaha oo kormeeray xarunta diyaarinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka

Next Post

Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay chancellor-ka dalka Jarmalka

Next Post
Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay chancellor-ka dalka Jarmalka

Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay chancellor-ka dalka Jarmalka

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In