Monday, October 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo Soomaaliya kala shaqeynayo sugidda Ammaanka Xuduudaha

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 months ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War- qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanku ay Soomaaliya kala shaqeyneyso xoojinta iyo sugidda Ammaanka Xuduudaha si wadajir looga hortego kooxaha argagixisada ah.

Qoraalka ayaa lagu yiri “ilaalinta xuduudaha waa badbaadada Qarankasta. Soomaaliya amniga xuduudaha ayaa waxa ay qayb muhiim ah ka tahay dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab/Al-Qaacida iyo Daacish, waana lagama maarmaan in si wadajir ah looga shaqeeyo amniga Xuduudaha”.

Related posts

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

October 20, 2025

Danjiraha Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Richard Hiley ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay la kulanka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, oo ka dhacay xarunta Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, kaasi oo ay uga wada hadleen sare u qaadidda ammaanka xuduudaha.

Danjire Richard Hiley ayaa yiri “Waxaan aad iyo aad uga mahadcelineynaa xiriirka wanaagsan ee naga dhaxeeya Agaasime Mustaf Dhuxulow iyo guud ahaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan arrintan muhiimka ah ee la xiriirta xuduudaha”.

2dii July ee sanadkan ayay ahayd markii Mareykanku uu si cad u sheegay in Soomaaliya uu ka caawinayo nidaam cusub oo lagu sugayo amniga xuduudaha, kaasi oo loo adeegsanayo qalab casri ah oo dowladda Mareykanku ugu deeqday Soomaaliya.

Daah-furka qalabka cusub oo ay ku shaqeynayaan Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka ayaa daba socday tababar afar maalmood socday oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo qubaro Mareykanka ah ay ku tababarayeen saraakiisha Hay’adda Socdaalka Soomaaliya si ay u adeegsadaan Nidaamka Isbarbardhigga iyo qiimeynta Aqoonsiga Gaarka ah (PISCES) oo ah qalab casri ah oo lagu isticmaalo goobaha muhiimka ah ee laga soo galo dalka gaar ahaan dhanka xuduudaha si loo hubiyo dadka ka soo gudbaya xadka.

 

Previous Post

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Safiirka Mareykanka

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
0

Waddada Dimuquraaddiyadda. Waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 sano...

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

October 20, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaana ogolaatay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

October 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa la kulmay...

Maamulka Warbaahinta Qaranka oo abaal marino lacageed guddoonsiiyay guuleystayaasha tartan cilmiyeedka

Maamulka Warbaahinta Qaranka oo abaal marino lacageed guddoonsiiyay guuleystayaasha tartan cilmiyeedka

October 20, 2025
0

Munaasabad kooban oo lagu abaal marinayay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In