Saturday, February 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka Tirada Dhimashada Covid-19 Waxay Ku Dhowdahay 200,000

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Mareykanka Tirada Dhimashada Covid-19 Waxay Ku Dhowdahay 200,000
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tirada dhimashada safmarka COVID-19 ee Mareykanka ayaa mareysa ku dhowaad 200,000 tallaadadan maanta ah, taas oo ka dhigan iyo shantii qof ee feyraska cororna caalamka ugu geeriyoota uu mid kamid ah yahay Amerikaan, waxayna su’aal gelisay sida madaxweyne Trump ula tacaalay safmarka xilli markii labaad u ololeynayo xafiiska.

Sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University, Mareykanka waxaa laga diiwaan geliyay ugu yeran 199,818 qof in ay u dhinteen, iyadoo kiisaska COVID-19 ee dalkaas gaarayso in ka badan 6.8 million, waana dalka ugu badan caalamka kiisaska corona. In ka badan 70% dadka u dhintay da’dooda waxay ka weyn tahay 65 sano .

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

February 14, 2026

Cel celis ahaa todobaadkii Mareykanka waxaa ugu dhintay safmarka  ku dhowaad 800 oo ruux, sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters, waxayna intaas ku dartay in tirada dhimashada 5% korortay toodbaadkii hore.

Machadka caafimaadka Jaamacadda Washington ayaa saadaalisay in tirada dhimashada gaari doono 378,000 oo ruux dhammaadka sanadkan 2020, iyadoo maalin kasta geeriyoon doonaan 3,000 ilaa bartamaha bisha December.

Dadka dhaliila maamulka Trump waxay sheegeen in xogaha feyraska ay tilmaan u tahay sida maamulka ugu guul dareystay in uu wax ka qabto safmarka.

“Karti xumada iyo beenta Donald Trump ayaa sabab u ah in aan aragno lixdii bilood ee la soo dhaafay in Mareykanka ay ka dhintan dadkii ugu badnaa taariikhda ,”sidaa waxaa isniintii sheegay musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Joer Biden.

Gobolada ugu dhimashada badan waxaa kamid ah, gobolada koofureed ee Mareykanka Texas iyo Florida waxana ku soo xigay California. Isniintii, Trump waxaa uu qirey in dalka uu xaalad xun ku jiray.

Trump ayaa ka dambeeyay Joe Biden ra’yi uruurin la sameeyay inkastoo aad isugu dhow yihiin haddana Madaxweyne Trump waxaa caqabad ku ah sida uu u maareeyay safmarka COVID-19 iyo dhaqaale burbruka wadanka ku qabsaday ayaa laga yaabaa in codad badan ku waayo doorashada 3 bisha November.

Tags: 000Mareykanka Tirada Dhimashada Covid-19 Waxay Ku Dhowdahay 200
Previous Post

Ciidanka Falastiin oo xiray Siyaasiyiin lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraatka

Next Post

Madaxda dunida oo xusay sanadguuradii 75-aad ee Qaramada Midoobay

Next Post
Madaxda dunida oo xusay sanadguuradii 75-aad ee Qaramada Midoobay

Madaxda dunida oo xusay sanadguuradii 75-aad ee Qaramada Midoobay

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay Shir-madaxeedka Afrika

February 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxa uu kaga...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka oo furay shir-weynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka

February 14, 2026
0

Shirweynaha Qaran ee Kaabayaasha Dijitaalka ah (DPI) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, waxaana si wadajir ah u...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya

February 14, 2026
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Jaamacadda Carabta

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Jaamacadda Carabta

February 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Jaamacadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In