Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Markab Uu Baarlamaanka U Kireeyey Ku Dhowaad 1000 Qaxooti Soomaali Ah Oo Saakay Soo Gaaray Berbera… WARSAXAAFADEED

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Xildhibaanada Haweenka ah ee baarlamaanka oo la kulmay Ururada Haweenka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saakay abaare 08:30 waxaa dekedda magaalada Berbera soo gaaray markab uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u kireeyey ka qeyb qaadashada gurmadka qaxootiga Soomaaliyeed ee naftooda kala soo cararaya dalka Yemen oo ay dagaallo ka socdaan.

Markabkan oo howshiisa ay wadeen guddi uu Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Xildhibaanno, qunsuliyadda Soomaaliya ee Yemen,siyaasiyiin iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Yemen hogaankooda ayaa waxa uu shalay kasoo ambabaxay dekedda bureekha oo ku dhow magaalada Cadan ee dalka yemen.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Ex-Xildhibaan Maxamed Xasan Daryeel oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka kana mid ah guddiga howshan gurmadka uu Baarlamaanku u xil saaray ayaa xaqiijiyey in saakay uu markabka u kireysan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kusoo xertay dekedda Berbera islamarkaana ay saaran yihiin 960 qaxooti Soomaali ah iyo laba qof oo Yemeni ah.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa howshan ku gacan siinaya shirkad la yiraahdo ADCO oo dhinaca socdaalka ka shaqeysa waxaana wejiga labaad ee dhameystirka howshan uu yahay in maalinnimada sabtida ay bilowdaan diyaaraddo lagu soo daabuli doono dadkan Soomaaliyeed ee qaxootiga ah iyo in kadibna loo fududeeyo sidii ay ku tagi lahaayeen gobolladooda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay gurmadkan in uu ka qeyb qaadanayo 22kii-April-2015 kadib markii ay go’aamiyeen taasi Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka waxaana lacagta uu Baarlamaanka ku deeqay howshan gurmadka ay tahay 300,000$ (Seddex Boqol kun oo doollar).

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhowaan bogaadiyey gurmadka loo sameynayo qaxootiga Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya dalka Yemen waxaana uu si guud ugu mahad celiyey Shacbiga Soomaaliyeed sida ay uga qeyb qaadanayaan gurmad loo sameynayo walaalahooda kasoo laabanaya Yemen,sidoo kalena Somaliland iyo Puntland ayuu uga mahad celiyey sida ay dadkan usoo dhaweeyeen.

—-DHAMMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

Previous Post

Dab Khasaare Dhaliyay Oo Ka Kacay Xerada Xagardheer

Next Post

Madaxweynaha oo maanta xariga ka jaray bangi caalami ah oo lagu magacaabo Premier Bank -SAWIRRO

Next Post
Madaxweynaha oo maanta xariga ka jaray bangi caalami ah oo lagu magacaabo Premier Bank -SAWIRRO

Madaxweynaha oo maanta xariga ka jaray bangi caalami ah oo lagu magacaabo Premier Bank -SAWIRRO

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In