Sunday, April 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Koowaad ee dalka oo maal gelisay Barnaamij indha fiiqid loogu sameynayo dad danyar ah “SAWIRRO”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Marwada Koowaad ee dalka oo maal gelisay Barnaamij indha fiiqid loogu sameynayo dad danyar ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee Dalka Maamo Seynab Cabdi Macallin ayaa maal-gelisay barnaamij indha fiiqis loogu sameynayo boqolaal ka mid ah dadka araga waxyeellada ka qaba.

Wajiga koowaad ee barnaamijkan ayaa waxaa ka faa’iideystay 50 qof oo kunool magaalada Muqdisho, iyadoona la qorsheynayo in laga hirgeliyo meelo kala duwan oo ka mid ah dalka si tirada ugu badan ee dadka danyarta ah ay uga faaiideystaan.

Related posts

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026

Xasan Macalin Xasan Culusow oo 15 sano ka hor aabihii uu aragga ka naafoobay ayaa ka mid ahaa dadkii lagu guuleystay in qalliin lagu sameeyo, dibna uu Alle ugu soo celeyey araggiisa.

“Aabaheey Macalin Xasan Culusow waxa uu ishaan la’aa muddo 15 sano ah, maantana waxbuu ka arkaa, dadku in wax loo qabto waa ay jecel yihiin, Maamo Seynab iyo maamulka cisbitaalka waa u mahacelineynaa” ayuu yiri Xasan isagoo la hadlaaya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA.

Sidoo kale Dr Maxamed Amiin Cumar oo hoggaaminayay dhaqaatiirka qaliinka indha fiiqista ah sameeyay ayaa sheegay in dadka indhaha ay u fiiqeen ay yihiin wajigii koowaad, isaga oo tilmaamay in maalmaha soo socda ay qaliimo u fulin doonaan qaar kale oo ka mid ah dadkan.

Maalinta talaadada ah ee soo socota ayaa waxaa bilaaban doona wajiga labaad ee barnaamijkan indha fiiqidda loogu sameynayo dadka danyarta ah.

Previous Post

Duqa Muqdisho oo amray in la banneeyo Garoonkii Jeenyo & goobaha danta guud “SAWIRRO”

Next Post

Akhriso: Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabay guddiga Qaran ee qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda

Next Post
Akhriso: Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabay guddiga Qaran ee qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda

Akhriso: Ra’iisul wasaare Kheyre oo magacaabay guddiga Qaran ee qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo Baydhabo kula kulantay Ururrada Haweenka

April 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaadatay ururrada Haweenka,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo la kulmay dhiggiisa Dalka Turkiga

April 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kulan muhiim ah la-qaatay dhiggiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ku wareejisay Maamulka Isbitaalka Benaadir

April 4, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashaneysa shirkadda Somali Fuel Company (SFC), ayaa maanta deeq raashin ah ku wareejisay...

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

Xarunta Shaybaarka Biyaha ee Gobolka Banaadir oo la daahfuray

April 4, 2026
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa ka qaybgalay munaasababad lagu daahfurayay Xarunta Shaybaarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In