Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Koowaad ee Dalka oo Mareykanka kaga qeyb gashay kulan loogu gurmanayo dadka fatahaaddu saameysay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 18, 2019
in Wararka
0
Marwada Koowaad ee Dalka oo Mareykanka kaga qeyb gashay kulan loogu gurmanayo dadka fatahaaddu saameysay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin oo olole loogu gurmanayo dadka ay saameysay fatahaaddu ka wadda Gobollada Mareykanka ayaa magaalada Seattle ee waddanka Maraykanka kaga qeyb gashay kulan loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadda Gobollada Hiiraan, Baay iyo Gedo.

Marwad Koowaad ee Dalka oo la hadlaysa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka

Marwada dalka oo hadal ka jeedisay kulanka ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Seattle uga warbixisay meesha ay marayaan dadaalada gurmadka ah ee ka socda gudaha wadanka ay wadaan hey’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

“Soomaalidu waa dad dun fiican, deeqsina ah, Diinteenna suubban ayaana noo tilmaameysa in xaqqa iyo samafalka loo tartamo iyo in dan-yarta loo naxariisto. Midnimo aan muujinno markii culeys nagu dhaco, waxaan rajeynayaa in aan uruurinno dhaqaale wax tari kara dadka fatahaaddu saameysay”.ayay tiri Marwada Koowaad ee dalka.

Maamo Seynab ayaa xoojisay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed isu gurmadaan oo aysan gacmo kale waxba ka sugin, waxa ayna ammaantay sida dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibaddaba ugu taagan yihiin in ay is caawiyaan.

Marwada ayaa tiri “Qof walba oo caawa halkaan jooga dan gaar ah uma imaan, waxaa loo yimid dan guud, marka laga shaqeeyo danta guud waxaa ka dhasha danta gaarka ah, marka waxaan idinka codsanayaa in aad wadatashi yeelataan, oo aad ka wadatashataan danta guud si danta gaar ah aan u gaarno, maxaa yeelay wadatashiga ayaa keena iskutashi”

Marwada Koowaad ee dalka ayaa horey kulan kan la mid ah uga qeyb gasahy Gobolka Columbus ee dalka Mareykanka, waxa uuna qorshuhu yahay in ay Marwadu gaarto magaalooyinka kale ee Soomaalidu ka dagan tahay Mareynka si ay u gaarsiiso in ay ka qeyb qaataan gurmadka Qaran.

 

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo daahfurtay xuska todobaadka wacyi gelinta ka hortagga si qaldan u isticmaalka Antibaayootikada “SAWIRRO”

Next Post

Kuwait ayaa sheegtay inay socdaan wadaxaajoodyo lagu xalinayo khilaafaadka diblomaasiyadeed ee wamada Khaliijka.

Next Post
Dowladda Kuwait oo 50 Melyan oo doolar ugu deeqday dadka ay abaarta Saameysay.

Kuwait ayaa sheegtay inay socdaan wadaxaajoodyo lagu xalinayo khilaafaadka diblomaasiyadeed ee wamada Khaliijka.

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In