Kulankaan casho sharafta ah oo ay soo agaasintay Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Qamar Cali Cumar ayaa lagu dhiiragalinayay tartankii Gabdhaha Kubadda Kolleyga Maamul goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.
Casho sharafta waxaa ka qeybgalay Ururka Haweenka Qaranka, Kooxaha kubadda Kolleyga Maamul goboleedyada, Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka, iyo Aqalka sare ee baarlamaanka, iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa gabdhaha Kubadda Kolleyga u gudbisay fariin dhiiragelin oo ay uga siday Marwada Madaxweynaha.
“Waxaan halkaan idingugu soo gudbinayaa hambalyada Marwo Qamar Cali Cumar, waxa ay idinku dhiiragalineysaa horumarinta Isboortiga iyo in aad soo celisaan magaca Soomaaliya”ayay tiri Batuulo.
Sucaad Cabdullahi oo ka mid ahayd qaban qaabiyaashii tartankaan ayaa sharaxday sida ay ku timid qabsoomida tartanka Kubadda Kolleyga Gabdhaha ee gobolka Benaadir.
“Waxaan ahaa maskaxii ka dambeysay barnaamijkaan, waxaan sameeyay marka aan arkay sida Gabdhaha ay u jecel yihiin isboortiga iyo sida ay ugu baahan yihiin caawin” ayay tiri Sucaad.
Xildhibaan Naciima Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan aqalka sare ee Barlamanka Federaalka ayaa bogaadisay in saaxadda cayaaraha ay kusoo laabtaan Gabdhaha iyo in la horumariyo isboortiga heerarkiisa kala duwan.
“Waan dhiiragalinayaa in mar kale saaxadda isboortiga lagu arko gabdhaha sidaasi awgeed waxaan ku baaqayaa in la horumariyo”ayay tiri Xildhibaan Naciima.
Gabdhaha Kubadda Kolleyga gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay Koobka Cayaarihii Gabdhaha Kubadda Kolleyga Maamul goboleedyada ee lagu qabtay magaalada Garoowe, iyaga oo ka qaaday Kooxdii ka socotay Hirshabeelle.