Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Madaxweynaha Dalka Oo Deeq Lacageed Waxna Looga Qabanayo Fatahaada Webiga Shabeele Ku Wareejisay Guddoomiyaha Shabeelaha Dhexe “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Marwada Madaxweynaha Dalka Oo Deeq Lacageed Waxna Looga Qabanayo Fatahaada Webiga Shabeele Ku Wareejisay Guddoomiyaha Shabeelaha Dhexe “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Madaxweynaha Dalka ayaa Deeq Lacag ah oo ay soo dhiibeen Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Denmarka Ku Wareejisay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo deeqdaasi lacagta ah wax looga qaban doono Fatahaada Webiga Shabeele uu geysto.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen oo isna la wareegida deeqda kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee isku xilqaamay Caawinta Walaalahooda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in Jaaliyadani ay tahay midii ugu horeysay ee Caawisa dadka saameynta ay ku yeeshaan fatahaada, Waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay sameeyeen ka hortag maamul oo la xiriira yareynta saameynta fatahaada oo lagu guuleystay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Guddoomiye Guudlaawe ayaa u mahadceliyay Marwada Madaxweynaha Dalka sida mar walbo ay u garab taagantahay islamarkaana ay u caawineyso dadka taagta daran, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe in ay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska Gobolka.

Marwada Madaxweynaha Dalka Sahra Cumar Xasan Oo deeqdaasi lacagta ah ku wareejisay guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa u mahadcelisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Denmarka ee gartay in ay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee wehelka u noqday in Saameyn ay ku yeeshaan Fatahaada inta badan uu sameeyo Webiga Shabeele, waxaana ay soo hadal qaaday dadka Qaxootiga ku Ah South Africa, Kenya, iyo Yemen oo ay dhibaato heystaan oo ay xustay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay caawiyaan dadkaasi islamarkaana ay si damiir leh kaga jawaabaan.

IB0A2608 IB0A2623 IB0A2625 IB0A2643 IB0A2666 IB0A2669 IB0A2672 IB0A2678 IB0A2682

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Faah Faahin Ka Siiyay Waxqabadka Wasaaradda Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In