Sunday, September 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Koowaad Ee Dalka Oo Magaalada Hobyo Ka Dhagax Dhigtay Xarun Caafimaad Oo Loogu Tala Galay Hooyada Iyo Dhallaanka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Marwada Koowaad Ee Dalka Oo Magaalada Hobyo Ka Dhagax Dhigtay Xarun Caafimaad Oo Loogu Tala Galay Hooyada Iyo Dhallaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marwada Koowaad ee dalka Marwo Saynab Cabdi Macalin oo ay wehelinayaan Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Nuur Gacal ayaa si wada jir ah uga dhagax dhigay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug Cusbitaal loogu tala galay daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.

Marwo Saynab ayaa ka warbixisay muhiimadda qorshaha hirgelinta xarumaha caafimaad oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay xoogga saartay, si xal waara loogu helo baahiyaha iyo dhibaatooyinka caafimaad ee haysta hooyooyinka Soomaaliyeed iyo ubadkooda.

“In kasta oo qorshahaygu uu yahay in aan xarumahan ka hirgeliyo gobollo badan oo dalka ah, haddana waxaa sharaf ii ah inaan anigoo ka fal-celinaya farriintii Haweenka Hobyo ay soo fareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan maanta xaruntii ugu horreysay ee noocaan ah aan ka hirgelinayno Degmada Hobyo.”

Marwada koowaad ee dalka oo ka guddoontay dhulka laga hirgeliyo xaruntan caafimaad Muwaadin Abshir Diini Cawaale oo reer Hobyo ah, si mutadawicnimo ahna ugu deeqay in uu noqdo dhulkani dan-guud ayaa ku bogaadisay maamulka degmada Hobyo iyo bulshada ku dhaqan sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo amniga.

“Waxaan kula dardaarmayaa bulshada ku nool Degmada Hobyo iyo nawaaxigeedda in dhammaantiin aad garab istaagtaan taabba-gelinta xarunta iyo weliba in aad ilaashataann marka la hirgeliyo, sababtoo ah waxaa loo dhisay in lagu daryeelo dumarka iyo carruurteenna.”

Dhankooda, Madaxda iyo masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Galmudug ee ku weheliyey Marwada socdaalkan ay ku tagtay Hobyo ayaa uga mahadceliyey dadaalka ay ugu jirto hirgelinta Xarumaha Hooyada iyo dhallaanka, iyaga oo tilmaamay in dhismaha Xaruntan Caafimaad ay kaabeyso kobaca nololeed ee bulshada Gobolka.

Socdaalkan waxaa ku weheliyey Marwada Koowaad ee dalka wafdi heer Federaal ah iyo heer Dowlad Goboleed, sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Qatar Charity iyo Saynab Macallin Foundation oo wada jir u fulinaya dhismaha iyo qalabeynta Cusbitalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Hobyo.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026

Tags: Marwada Madaxweynaha Dalka oo dhagax-dhigtay Cisbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Hobyo+Sawirro
Previous Post

Guddoomiye Cumar Filish oo Dhagax dhigay goob cusub oo lagu xakameynayo Daadadka Roobka+Sawirro

Next Post

Sii hayaha Wasiirka Shaqada XFS Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Habraaca Shaqo Qorista Shaqaalaha Dowladda+Sawirro

Next Post
Sii hayaha Wasiirka Shaqada XFS Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Habraaca Shaqo Qorista Shaqaalaha Dowladda+Sawirro

Sii hayaha Wasiirka Shaqada XFS Oo Shir Guddoomiyay Kulanka Habraaca Shaqo Qorista Shaqaalaha Dowladda+Sawirro

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo saxiixay Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay  Sharciga Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka...

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

Wafdi sare oo ka socda Ciidamada Cirka Pakistan oo Muqdisho lagusoo dhaweeyay

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto. Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In