Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro “Abwaaniinta door muuqdo ayay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro “Abwaaniinta door muuqdo ayay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ay Marwada Madaxweynaha dalka, Marwo Sahro Cumar Xasan u sameysay qaar ka mid ah abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa waxa uu ahaa mid ay ku kala warqaadanayeen, isla markaana ay ku guubaabisay inay xoojiyaan wacyigelinta ay bulshada u hayaan, maadaama ay hormuud u yihiin bulshada inteeda kale.

Madiino Cali Tooxow oo ugu horeyn goobta hadal kooban ka jeedisay ayaa xustay in kulankan uu yahay mid Marwada Madaxweynaha ay dalbatay, si ay u ogaato xaaladda abwaaniinta Soomaaliyeed ay ku suganyihiin.

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

β€œKulankan Marwada Madaxweynaha ay la qaadatay maanta waxa uu qeyb ka yahay wax u qabshada bulshada iyo ka warqabkooda, runtii inta ugu muhiimsan Abwaasan Singub ayaan u dhaafayaa” ayay tiri Madiino.

Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub ayaa sheegay inay xoojinayaan wacyigelinta bulshada, isla markaana ay Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro guddoonsiin doonaan bilad sharaf oo ay u arkeen inay tahay hooyo u gurmada bulshada Soomaaliyeed.

β€œAnagoo abwaaniintii ah, runtii martiqaad nooga qurux badan ka la mid ah ma arag, gabadha dalka taageereysa gaar ahaan wax u qabatay bar baarta darbi jiifka ahaa, aad ayaan uga mahadcelineyaa dadaalkaasi, runtii waxaan go’aan ku gaarnay in aan bilad sharaf guddoonsiino, waayo waa Hooyada Ummadda Soomaaliyeed, gabdhaheenu had iyo jeer waxa ay lahaayeen mudnaan gaar ah, Marwo Sahro mid ka sii badan ayay leedahay mudnaantaas”ayuu yiri Abwaan Sangub

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro Cumar Xasan oo ugu dambeyntii kulanka hadal ka jeedisay ayaa hoosta ka xariiqday in ujeedka kulanka uu ahaa mid ay ku xogwareysaneysa xaaladda abwaaniinta ay ku suganyihiin, iyadoo ugu baaqday inay joogteeyaan wacyigelinta bulshada, isla markaana muwaadin kasta looga baahanyahay samata bixinta dalka.

β€œMaadaama ay Abwaaniintu yihiin hormuudkii Soomaaliyeed, Indhihii Ummadda, wacyigelintii Ummadda, runtii la’aantood wax la qaban karo ma ahan, waxaan aad u ognahay in xiriirkeenu uusan badneyn, balse in aan idin moognahay ma ahan macnaheedu, dadkii Ummaddan samata bixinayay in abwaaniintu ay yihiin bulshada oo dhan way ogtahay, waxaan idin soo jeedinayaa mahad gaar ah, qofkasta oo Soomaaliyeedna waxaa laga rabaa in dalkaan ay samata bixiso”. Ayay tiri Marwada Madaxweynaha dalka.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahro ayaa kulanka ay la qaadatay abwaaniinta waxa uu qeyb ka yahay dadaalka ay ugu jirto sidii guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta dalka iyo ka hortagidda cidkasta oo abuureysa falal amni darro.

vlcsnap-2015-09-10-20h48m55s117vlcsnap-2015-09-10-20h48m46s38vlcsnap-2015-09-10-20h48m32s159vlcsnap-2015-09-10-20h48m23s55vlcsnap-2015-09-10-20h46m50s149vlcsnap-2015-09-10-20h46m28s191vlcsnap-2015-09-10-20h46m09s5vlcsnap-2015-09-10-20h45m48s40vlcsnap-2015-09-10-20h45m35s179vlcsnap-2015-09-10-20h45m28s100vlcsnap-2015-09-10-20h45m18s3vlcsnap-2015-09-10-20h45m11s177vlcsnap-2015-09-10-20h45m11s177vlcsnap-2015-09-10-20h49m04s215 vlcsnap-2015-09-10-20h49m11s26 vlcsnap-2015-09-10-20h49m25s169Β Β vlcsnap-2015-09-10-20h49m42s90 vlcsnap-2015-09-10-20h46m28s191 vlcsnap-2015-09-10-20h46m17s82

 

Previous Post

Dhageyso barnaamijka dhacdooyinka maanta

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 π‡πšπ£π’...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In