Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada madaxweynaha oo deeq ku wareejisay gudigga gurmadka qaxootiga Yemen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Marwada madaxweynaha oo deeq ku wareejisay gudigga gurmadka qaxootiga Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqda ay maanta ku wareejisay gudiga badbaadinta iyo samatabixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dhibaateysan dalka Yemen marwada koowaad ee madaxweynaha Jamhuuriyadda marwo Qamar Cali Cumar ayaa waxaa ay tahay mid nuucyo kala duwan isugu jirta waxaana ay hseegtay marwadu in ay ugu talo gashay in ay uga qayb qaadato caawinta mawaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibtu ku haysato dalkaasi Yemen oo dagaalo ay ka socdaan.

Gargaarkaan waxaa uu isugu jiraa kaluun gasacadeysan oo kartoomo ku jira,roodhi,iyo liima dhanaan loogu talo galay in dadka loo qaso ,waxaa kaloo jira iyana dad Soomaaliyeed oo is xilqamay oo deeq nuucyo badan isugu jirta gudoonsiiyay gudiga.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Marwo Batuulo Sheikh Axmed Gabale oo ka hadashay goobta deeqda ay ku wareejisay marwada madaxweynaha dalka ayaa waxaa ay sheegtay in wax ku dayasho mudan ay sameysay marwada waxaana ay ka codsatay bulshada Soomaaliyeed meel walba in ay noqdaan kuwo ka qayb qaata caawinta walaalaha Soomaaliyeed ee Yemen oo dagaalo ka socdaan ku dhibaateysan.

Marwo Caasho Shaacuur oo iyana ka mid ah xubnaha gudiga gurmadka ayaa waxaa ay ka hadashay deeqdaan marwada madaxweynuhu soo gaarsiisay iyo sidoo kale mida dadka kale soo gaarsiiyeen intaba waxaana ay balan qaaday in deeqdaas ay u gaarsiin doonaa dadkii loogu talo galay sida loogu idmaday.

Marwada madaxweynaha dalka Qamar Cali Cumar oo gaba gabadii ka hadashay goobta ayaa waxaa ay sheegtay in ujeedkeedu yahay in wax wanaagsan ay hormuud u noqoto oo ay ku daysadaan bulshada Soomaaliyeed waxaana ay codsatay in laga wada qayb qaato u gurmashada walaalaha dhibaatadu ku haysato dalka Yemen.

“anigu halkaan uma soo istaagin TVga halagaa arko waxaan u so istaagay naftayda iyo nafafka ummadda Soomaaliyeed in aan ku baraarujiyo  in ay wax taraan dadka Soomaaliyeed ee maantaqaxootiga ah iyagoo horay uga cararay dagaalo iyo colaad hadana maanta mar kale ka soo cararaya colaada in wax loo qabto in aan dadka ku baraarujiyo  oo aan tusoo u muujiyoo u bilaabo ama aan howshii socotay dhinaceyga ka galaan ugu talo galay”ayay tiri marwada.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khartuum lagu soo dhaweeyay

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo Khartuum lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khartuum lagu soo dhaweeyay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In