Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Marwada madaxweynaha oo deeq ku wareejisay gudigga gurmadka qaxootiga Yemen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Marwada madaxweynaha oo deeq ku wareejisay gudigga gurmadka qaxootiga Yemen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deeqda ay maanta ku wareejisay gudiga badbaadinta iyo samatabixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dhibaateysan dalka Yemen marwada koowaad ee madaxweynaha Jamhuuriyadda marwo Qamar Cali Cumar ayaa waxaa ay tahay mid nuucyo kala duwan isugu jirta waxaana ay hseegtay marwadu in ay ugu talo gashay in ay uga qayb qaadato caawinta mawaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibtu ku haysato dalkaasi Yemen oo dagaalo ay ka socdaan.

Gargaarkaan waxaa uu isugu jiraa kaluun gasacadeysan oo kartoomo ku jira,roodhi,iyo liima dhanaan loogu talo galay in dadka loo qaso ,waxaa kaloo jira iyana dad Soomaaliyeed oo is xilqamay oo deeq nuucyo badan isugu jirta gudoonsiiyay gudiga.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Marwo Batuulo Sheikh Axmed Gabale oo ka hadashay goobta deeqda ay ku wareejisay marwada madaxweynaha dalka ayaa waxaa ay sheegtay in wax ku dayasho mudan ay sameysay marwada waxaana ay ka codsatay bulshada Soomaaliyeed meel walba in ay noqdaan kuwo ka qayb qaata caawinta walaalaha Soomaaliyeed ee Yemen oo dagaalo ka socdaan ku dhibaateysan.

Marwo Caasho Shaacuur oo iyana ka mid ah xubnaha gudiga gurmadka ayaa waxaa ay ka hadashay deeqdaan marwada madaxweynuhu soo gaarsiisay iyo sidoo kale mida dadka kale soo gaarsiiyeen intaba waxaana ay balan qaaday in deeqdaas ay u gaarsiin doonaa dadkii loogu talo galay sida loogu idmaday.

Marwada madaxweynaha dalka Qamar Cali Cumar oo gaba gabadii ka hadashay goobta ayaa waxaa ay sheegtay in ujeedkeedu yahay in wax wanaagsan ay hormuud u noqoto oo ay ku daysadaan bulshada Soomaaliyeed waxaana ay codsatay in laga wada qayb qaato u gurmashada walaalaha dhibaatadu ku haysato dalka Yemen.

“anigu halkaan uma soo istaagin TVga halagaa arko waxaan u so istaagay naftayda iyo nafafka ummadda Soomaaliyeed in aan ku baraarujiyo  in ay wax taraan dadka Soomaaliyeed ee maantaqaxootiga ah iyagoo horay uga cararay dagaalo iyo colaad hadana maanta mar kale ka soo cararaya colaada in wax loo qabto in aan dadka ku baraarujiyo  oo aan tusoo u muujiyoo u bilaabo ama aan howshii socotay dhinaceyga ka galaan ugu talo galay”ayay tiri marwada.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khartuum lagu soo dhaweeyay

Next Post
Madaxweynaha Soomaaliya oo Khartuum lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha Soomaaliya oo Khartuum lagu soo dhaweeyay

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In