Drs Khadar Bashiir Cali Wasiiradka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha
iyo Tacliinta Sare ayaa maanta booqatay Iskuulada Dowladda ee lacag
la’aanta gaar ahaan Iskuulka 11 Janaayo oo ku yaalo Degmada
Cabdicaziis ee Magaalada Muqdisho, waxeyna soo indha indheysay qaabka
Waxbarashada ay u socoto iyadoo si toos ah Su’aalo mid mid u
weydiineysay Ardayda Fasalada ku jirtay.
Marwo Khadar ayaa si aad ah ugu farxday qaabka Waxbarashada ay u socoto,
waxeyna booqashadeeda ku dhiira galineysay Waxbarashada Bilaashka ah
ee loo simanyahay.
Wasiiraka ayaa sheegtay ineyn kor u qaadi doonaan tayada Iskuulada
dowladda islamarkaana sanadkaan laga qaadi doono dalka oo dhan Imtixaan
Qaran,Waxayna Hadlkeeda ku dartay in Ubadka Soomaaliyeed ee wax ku baranaya dalkooda sida
kuwaan oo kale ay mudanyihiin in la dhiiragaliyo oo laga taageero
sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda.
Sidoo kale Wasiirada ayaa xustay in Wasaaradda Waxbarshada ay ka
go’antahay soo nooleynta iyo xoojinta Iskuulada Dowladda si Caruurta Soomaaliyeed u helaan Waxbarsho lacag la’aan ah waayo waxey tiri Waxbarashada lacag la’aanta ah waa loo simanyahay oo
ma lahan kala sareyn, soo celinteedana dalka iyo dadka ayey faa’iido u
tahay.
Ugu danbeyntii Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulada Dowlada ayaa u
mahadnaqay Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta
sare booqashada ay ku tagtay Iskuulada taas oo ay ku dhiira galineyso
Waxbarashada loo simanyahay ee bilaashka ah.