Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho saaka laga soo dejiyay meydka Allaha u naxariistee Sheekh Cali Maxamuud Weheliye, Sheekh Cali Tuure oo dhowaan ku geeriyooday dalka Holland.
Salaadda Janaasada ayaa waxa garoonka diyaaradaha Aden Cadde saaka kula tukaday meydka marxuumka mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo mas’uuliyiin kale.
Allaha u naxariistee Sheekh Cali Tuure ayaa hore xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray isagoo ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaankii 1969kii isagoo laga soo doortay magaalada Jowhar.
Meydka Allaha u naxarisitee Sheekh Cali Sheekh Maxamuud ayaa lagu aasay qabuuro ku yaal Boqol Soon ee degmada Yaaqshiid.
Halkaan kaga bogoTariikh nololeedki .Sheekh Cali Maxamuud.
Wuxuu ku dhashay Tuulada Jameeco Fiddo oo 25km bari ka xigta magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe sanadka markuu ahaa 1925ti. Isla tuuladaas ayuu ku bartay, kuna xafiday quraanka kariimka ah,dhameystayna sannadki 1941dii. Sannadka markuu ahaa 1943dii wuxuu u soo wareegay magaalada Jowhar, halkaasoo uu ka bilaabay barashada culuumta Fiqiga Islaamka.
Sannadkii 1945 wuxuu soo galay magaalo madaxda Muqdisho, oo uu si fiican uga sii bartay Naxwaha Carabiga iyo culuumta Fiqiga masaajidka Waafle ee degmada Boondheere ku yaalla, wuxuuna wax ka aqristay Sheekh Xuseen Cadde, Sheekh Yuusuf Macallin Xasan Muudeey iyo sheekh Muxiddiin Raage. 1947dii wuxuu ku biiray ururki Leegada ee SYL, wuxuuna ka mid noqday Guddiga degaanka Jowhar (Comittato Locale Di Giohar), wuxuuna ka ahaa xubin aad u firfircoon oo siyaasadda ka shaqeysa.
Sannadkii 1952dii wuxuu ku soo noqday magaalada Xamar oo uu ka bilaabay inuu ganacsi ka sameeyo kana furtay degmada Xamarweyne goob ganacsi. Isla sanadkaas wuxuu ku biiray ciidanka Ilaalada Dhaqaalaha (Guardia di Finanza) oo markaas ka jiray dalka. Isla markiiba waxaa loo furay tababar lagu baranaayo xeerka ilaalinta canshuuraha iyo dokumeentiga dekadaha. Sannadkii 1954-tii waxaa loo furay tababar kale oo sarkaalnimo toban qof oo uu ka mid yahay, nasiibdarrase waa laga saaray tababarki sabab siyaasadeed awgeeg asaga iyo saddex kale oo Abgaal ah (dhacdadi Gaala jebshe darteed).
Sannadki 1955-tii asagoo weli askari ah ayuu imtaxaan u galay Qaalinimo, waana ku guuleystay, sidaas darteed ayuuna uga tegay askarinimadi oo uu garsoore ku noqday. Bishii Jennayo 1956dii wuxuu qaali ka noqday degmada Hobyo, halkaasoo uu ka shaqenaayay ilaa bishi Juunyo 1958dii oo loo soo bedelay degmada Marka, oo uu ka shaqeynaayay ilaa iyo sannadkii 1960dii. Bishi maajo 1960kii waxaa loo soo bedelay Xamar maxkamadda gobolka Benaadir. Isla sannadkaas asagoo shaqeynaaya ayuu haddana wuxuu waxbarasho ka bilaabay iskoolki culuumta Islaamka (Diciplina Islamico) oo uu dhiganaayay afar sano oo waxbarasho caadi ah iyo laba sano oo takhasus ah. 1964tii waxaa loo magacaabay Guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka gobolka Benaadir kaddib marki uu ku guuleystay imtaxaanki qiimeynta garsoorayasha. Isla sannadkaas wuxuu ka qeyb galay Doorashadi Xildhibaannadi barlamaanka,oo uu iska soo sharaxay degmada Jowhar, kumase guuleysan.
Sannadki 1967dii wuxuu bilaabay kulliyadda sharciga, asagoo weli kulliyaddii dhigta ayuu haddana sannadki 1969kii ka qeyb galay mar labaad doorashooyinki xildhibaannada barlamaanka ee degmada Jowhar. waana ku soo guuleystay, nasiib darrase waxaa barlamaankaas kala diray Kacaankii Maxamed Siyaad.
Sannadki 1972di wuxuu ka qalin jebiyay kulliyadda sharciga ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Kaddib wuxuu noqday qareen u dooda dadweynaha, ilaa iyo sannadki 1976dii
Isla sannadkaas 1976dii wuxuu aaday dalka Sacuudi Caraabiya, halkaasoo uu ka bilaabay hawlo ganacsi, kana abuuray shirkad weyn oo badeecada ka soo daabusha dalka Sacuudiga oo keenta dekadaha Soomaaliya.
1983dii wuxuu ku soo laabtay Xamar, asagoo weli ganacsiga sii wata ayuu haddana ku laabtay 1986di qarennimadi ilaa dagaalki 1990ki uu ka bilowdo.
1991di wuxuu ku biiray ururki USC, waxaana loo magacaabay Xoghayaha arrimaha gudaha ee ururka.
1993di wuxuu ka qeyb galay shirki dib u heshiisiinta Soomaaliyeed e lagu qabtay magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya, kana qaatay door weyn oo lama ilaawaan ah.
Bishii Febbaraayo 1995ti wuxuu u soo wareegay degaan ahaan waddanka Holland
Wuxuuna laba mar ka qeybgalay shirki dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu qabtay dalka Keenya ,bilowgi marki Eldoret lagu qabtay iyo gebagebadi marki loo soo wareejiyay Magaalada Nairobi, asagoo qeyb weyn kaqaatay ololaha lagu raadinaayay dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed iyo dib u soo celinta Qaranki Soomaaliyeed ee burburay, nasiib wanaag taas hadda waxbaa ka bilaaban.