Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maryan yaasiin “waxaan dadaal wayn ugu jirnaa sidii looga hortagi lagaa daabulka iyo ka ganacsiga dadka”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Maryan yaasiin “waxaan dadaal wayn ugu jirnaa sidii looga hortagi lagaa daabulka iyo ka ganacsiga dadka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Daabulka iyo ka ganacsiga dadka waa ficil si sharci darro ah loogu kaxeeyo dadka dal aan dalkooda aheyn iyadoo ujeedada laga leeyahay waxa   ay tahay in si qasab ah looga faa’ideysto duruufaha heysta, oo ay  kamid tahay baahi iyo shaqo la’aan, inkastoo dadkaas qaarkood la afduubto  waxaana marka la kaxeeyo qaarkood  laga ganacsadaa  jirkooda, iyadoo  la gato xubnaha ugu muhiimsan, kuwa waa lagu  lagu shaqeystaa kuwa waa la  adoonsadaa , Iyo qaar kalena  In siqasab ah looga faa’ideysto qaab galmo ah.

Dadka ugu badan ee laga ganacsado ama la daabulo waa carruurta yaryar ee  da’da hanaqaadka  ah, kuwaasoo lagu siro duruufaha kugadaaman, iyadoo  loo marayo hab lagu soo dabo, ama lagu soo jiidanayo sida in la siiyo lacago badan, ama loo sheego in la geynayo wadamada dibada ah halkaasoo ugu dambeyn lagu iibsado.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Meelaha ugu badan ee carruurta lagasoo dabo waa jaamacadaha, iskuulada, xaafadaha dhexdooda iyo meelaha ay dadku isugu yimaadaan, waxaana jira kooxo shabakado ah oo isku xiran kuwaasoo usoo dira dhalinyarada dad u shaqeeya si ay usoo kaxeeyaan.

Dad badan oo la kulmay falkan haseyeeshee kabadbaaday ayaa noo sheegay in arrintan  ay tahay wax aad u xun oo lagu waxyeeleynayo dadkaSoomaaliyeed gaar ahaana dhalinyarada hadda soo koreysa.

Hadaba maanta oo ah 28ka bisha july waxaa Aduunka laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee ka hortagga daabulka iyo ka ganacsiga dadka, waxaana la islasoo qaadayaa sida ugu haboon ee xal loogu heli lahaa arintan,

Dowlada Federaalka ee soomaaliya ayaa wadda dadaallo ballaaran oo looga hortagayo falalka daabulka ah dadka looga ganacsanayo waxaana ereyga gaar ah ee xuquuqda carruurta iyo tahriibayaasha ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ambassador Maryan Yaasiin ay wada dadaal ay ku dardargalineyso qorshe ku aadan sidii sharciga loola tiigsan lahaa kooxaha faraha kula jira falalkan, iyadoo wadda wacyigalin la xiriirta sidii dadka loo fahamsiin lahaa dhibaatada iyo saameynta lagala kulmo daabulka,

““waxaan dadaal wayn ugu jirnaa sidii looga hortagi lagaa daabulka iyo ka ganacsiga dadka, ma ahan wax aan aqbali karno in dadkeena la daabulo oo laa ganacsado, waa in gacan bir aan kuqabanaa kooxaha caadeystan falkan” ayey tiri Maryan yaasiin.

Dowlado Badan oo dhibaata  kuqaba dalalka daabulka iyo ganacsiga dadka ayaa wali la tacaalaya sidii looga hortagi lahaa daabulka looguna sameyn sameyn qorshe siyaasadeed oo lagula tacaalayo.

Previous Post

QM oo ka hadashay xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeryaha Dhadhaab Kenya

Next Post

US airstrikes target Alshabaab Hide out In Golis mountain

Next Post
US airstrikes target Alshabaab Hide out In Golis mountain

US airstrikes target Alshabaab Hide out In Golis mountain

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In