Thursday, July 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo ka hadashay xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeryaha Dhadhaab Kenya

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
QM oo ka hadashay xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeryaha Dhadhaab Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay,ada UNHCR Xafiiskeeda Dhadhaab ayaa soo saartay warbixin ay uga hadlayso xaladaha Qaxotiga Dhadhaab iyo tirada Dadka halkaas ku nool oo hoos u dhacday oo ay gaartay meeshii ugu hooseysay abid.

Warbxin Billa ah oo ka soo baxday Xafiiska UNHCR Dhadhaab qeybtiisa Saxaafadda iyo arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in tirada Dadka ku sugan Xeryaha Xaqootiga ee Xarar dheer, Dhagaxleey iyo Ifo ay gaarayaan 2010,475 Qof, oo u dhiganta 44%, Boqolkiiba 57 ka mid ah waa Carruur gaartay heerka waxbarshada Iskuullada, 62,610 Carruur ah ayaa dhigata Dugsiyada , 49% ka mid ah ayaa aadda xarumaha waxbarshada halka inta dhimanna sababa aan la cayimin darteed anay Iskuullada ku biirin.

Related posts

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026

Hay’adda Qaxootiga Adduunka ayaa warbxinteeda ku sheegtay in laga soo billaabo Bishii Disembar Sanaddii 2014-kii ay Soomaaliya si iskood ah ugu laabteen Qaxooti gaaraya 80,368 Qof, barnaamijkaas oo ay fuliyeen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya hay’adda UNHCR.

UNHCR ayaa sheegtay in ay hoos u dhacday dhaqaalihii ay Qaxootiga siin jireen deeq bixiyayaasha Caalamka, isla markaana ay hadda helayaan oo keliya 30% qarashaadkii ay u baahnaayeen.

Xerada Qaxootiga ee Kambi Cows ayaa la xiray 31-kii Maarso 2017, halka Xearada Ifo-2 la xiray 31-kii Maajo 2018, waxaana Labadooduba si rasmi ah loogu wareejiyay Dowladda Kenya 21-ka Juun 2019.

Hay’adda ayaan warbixinteeda ku xusin Qaxootiga aan Diiwaan gashanayn ee ku nool Xeryaha Dhadhaab iyo waxyaabaha ugu qorsheysan, iyadoo sheegtay in tirada Qaxootiga ay marba marka ka dambeysa sii yaraaneyso.

Previous Post

Maamulka Hirshabeelle oo ka Warbixiyay booqashada Safiirka Qatar ee magaalada Jowhar

Next Post

Maryan yaasiin “waxaan dadaal wayn ugu jirnaa sidii looga hortagi lagaa daabulka iyo ka ganacsiga dadka”

Next Post
Maryan yaasiin “waxaan dadaal wayn ugu jirnaa sidii looga hortagi lagaa daabulka iyo ka ganacsiga dadka”

Maryan yaasiin “waxaan dadaal wayn ugu jirnaa sidii looga hortagi lagaa daabulka iyo ka ganacsiga dadka”

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka XDS oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika

July 29, 2026
0

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ahna Taliyaha Ciidanka Dhulka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula...

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee...

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

July 29, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ahna Danjiraha aan degganayn ee Japan, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa...

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In