Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badar Abdelatty iyo la taliyaha amniga qaranka UK Jonathan Powell ayaa magaalada Qaahira Β ku yeeshay wadahadal ku aadan xaaladaha iyo Β horumarinta Gaza, Suuriya iyo Suudaan.
Kulankii dhinacyadaasi ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Masar iyo UK,iyadoo halkaasi la isku weydaarsaday aragtiyo ku aaddan arrimaha gobolka iyo caalamka.
War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Masar iyo Ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay lagama maarmaan tahay xal u helidda arrimaha cakiran ee ka jira Gaza,Suuriya iyo Suudaan.
Si gaar ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badar Abdelatty oo soo saaray bayaan ayaa sheegay in Masar ay daneyneyso baahida loo qabo xabbadjoojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza iyo in gargaar biniβaadanimo la gaarsiiyo halkaasi.
Dhanka arrinta Suuriya wasiirka ayaa qiray taageerada Masaray u heyso Suuriya haddeey ahaan laheyd xasiloonida dalka, ilaalinta hayβadaha qaranka, iyo ixtiraamka midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalkaasi.
Bayaankaasi Β ayaa ugu dambeyntii ku baaqay qodobbo ay kamid yihiin xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Suudaan, in la dedejiyo gargaarka baniβaadanimoΒ iyo in la taageero hayβadaha dawliga ah ee qaranka.











