Wasiirka gaashandhigga ee xukuumada faderaalka Soomaaliya janeraal C/qaadir Sheekh Cali (Diin) oo wahliyah taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Maxamed Aadan Axmed, ayaa safiirka dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya kale wareegay deeq isku jirta gadiid nooca dagaalka iyo saanad kale oo ciidan oo loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta kamaandooska ee Danab, si ay u xoojiyaan howlagalada dalka lagu sifeynayo haardiga maleyshiyaadka argaxisida Al-shabab.
Danjiraha dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya Mowliid Ismaaciil oo la hadley warbaahinta qaranka ayaa sheegay In dowlada Masar ay garab tagaan tahay Soomaaliya isla markaana ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed oo goobta ka hadlay ayaa dowladda Masar ugu mahadceliyay deeqda ay soo gaarsiiyeen taliska ciidanka xooga dalka.
Wasiirka Difaac ee dowlada Soomaaliya Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo kala wareegay saanada ciidan safiirka dowladda Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhankiisa mahad naq balaaran u jeedin doona, isagoo sheegay in qalabkan lagu wareejin doona ciidanka xooga dalka gaar ahaan Danab.
Dowladda Masar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha saacida Soomaaliya iyadoo sidan oo kale dhowr jeer ay dalka keentay kaalmo loogu talagalay ciidanka Soomaaliya.
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐จ๐จ ๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ฑ๐๐๐ ๐๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐
Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...





















