Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masar waxaa ay xukuntay in ka badan 700 oo Ikhwaanul Muslimiin ah

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Masar waxaa ay xukuntay in ka badan 700 oo Ikhwaanul Muslimiin ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa xukuno kala duwan ku riday in ka badan 700 oo ruux oo ka tirsan ururkii la mamnuucey ee Ikhwaanul muslimiin kuwaas  oo lagu eedeeyay in ay mudaaharaadyo dhigeen ka dib markii xukunka laga tuurey madaxweyne Maxamed Mursi sanadkii 2013-ka.

Maxkamadda ayaa 75 ruux ku xukuntay dil halka 47 kale xabsi cimrigaa haku furto ah lagu riday, waxaana ku jira culimo waa weyn oo ururukaas ka tirsan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Amnesty International oo ah urur u dooday xuquuqul insaanka ayaa go’aanka maxakadda ku tilmaamay mid cadaalad daro ah marka loo eego dastuurka dalka Masar.

Dadka la xukumay oo ka tirsan Ikhwaanul Muslimiin ayaa waxaa kamid ah hoggaamiyahooda sare Maxamed Badiic iyo xubno kale oo sar sare.

Rabshadaha ugu xumaa ayaa ka bilowday sanadkii 2013 fagaaraha magaalada Qaahira ee lagu magacaabo Rabii Alcadawiya halkaas oo ciidanka amniga ay lagu dileen boqolaal shacabka.

Maxkamadda ayaa waxaa ay ku eedeysay dadka la xukumay in ay dagaal ku qaadeen ciidanka amniga mudadii ay socdeen dibad baxyada  intii u dhexeysay July 2013 ilaa Janaayo 2016 kii.

Dadka maxkamadda xukuntay ayaa sidoo kale lagu eedeeyay dil wadareed iyo fal  amni daro oo ay ku jirto kicin dadweyne iyo abaabulid isu soo bax sharci daro ah.

Sawir qaade Maxamuud Abuu Zeyd oo loo yaqaano Shawkaan ayaa isna lagu xukumay shan sano oo xarig ah, isagoo lagu eedeeyay in uu sawiro ka qaaday dadkii ciidanka ammaanka ay kala ceyrinayeen, hase ahaatee waxaa loo ogolaaday in xoriyadiisa dib loo siiyo markii uu dhameystay xukunka mudadii uu xabsiga ku jirey oo dhan  shan sano.

Dowladda Masar ayaa sheegtay in tiro badan oo kamid ah dadka mudaaharaadka dhigayay ay hubeysanaayeen isla markaana dileen sideed kamid ah Booliiska.

Boqolaal taageeriyaasha Ikhwaanul Muslimiin ah ayaa la xirey markii ciidanka amniga ay ka hor tageen dibad baxyada oo dhacay bil kamid markii madaxweynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay Maxamed Musri uu afgembiyay taliyaha ciidanka Masar oo hadda ah madaxweynaha dalka Masar C/fitaax Al SiSi.

Dhaleeceyn caalami ah ayay militiriga Masaarida kala kulmeen caalamka markii talaabadaas ay qaadeen.

Previous Post

Gobolka Banaadir oo Jardiinka KM4 dib ugu soo celiyey Dan Guud +Sawirro

Next Post

RW: Kheyre “Dabaysha is badalka ee ka socota Geeska Afrika waxay Albaabo ganacsi u furtay Soomaaliya”

Next Post
R/W Khayre “Mas’uuliyaddu maahan oo kaliya Shaqaadaada, Waa in aad sheegtaa Waxkasta oo dhib ku ah Dawladnimadeena.”

RW: Kheyre “Dabaysha is badalka ee ka socota Geeska Afrika waxay Albaabo ganacsi u furtay Soomaaliya”

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In