Maamulka degmada Kaxda oo ay weheliyaan odayaasha iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay gudaha degmada.
Mashaariicda oo uu maalgaliyay bank Fuqaraa ayaa waxaa xariga ka jaray Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamad Yuusuf Maxamed .
Mashaariicdaan oo laga daahfuray Waxda Abaadir ee Degmada Kaxda ayaa isugu jirta xarun cusub oo isbitaalka Maka iyo furitaanka suuqa cusub oo la yiraahdo Tacaawun, kaas ay dadka ka heli doonaan adeegyo kala duwan .
Guddoomiyaha Degmada Kaxda oo ka hadlay furtaanka xafladda ayaa uga mahadceliyay hay’adda bank Fuqaraa mashaariicdaan ay ka hirgalisay degmada, isagoo tilmaamay in baahiweyn loo qabay adeegyadaan, ayna tahay in la sii kordhiyo si loo daboolo baahiyaha adeegga bulshada
Guddoomiye ku -xigeenka hay’adda Bank Fuquraa Axmed Daahir ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid ay ku dhiirigalinayaan bulshada, isagoo intaa ku daray inay shaqa abuur ay u sameeyeen dad danyar ah.
Qaar ka mid ah odayaasha Dhaqanka iyo culimaa’udiinka Degmada Kaxda oo ka hadlay munasabadda ayaa bogaadiyay dadaalka hay’adda ay ku bixisay hirgalinta mashruucaan, aygoo tilmaamay in ay muhiimtahay in la sii kordhiyo mashaariicda noocaan oo kale ah .