Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanka Bandarqaali “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaanka Bandarqaali “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deegaanka Bandarqaali oo ahaa sanadihii u danbeeyay deegaan si weyn looga dareemayay horumaro dhinacyo badan isla markaana intooda badan ah kuwa ay ku gaareen bulshada iyo maamulka deegaankaasi isku tashi iyo wadashaqeyn ayaa waxaa maaanta halkaasi kormeer ku tagay mas’uuliyiin ka tirsan kuwa Gobalka Mudug siyaasiyiin horay xilal kala duwan uga soo qabtay Maamulkii hore ee Galmudug iyo xubno ka tirsan Guddiga dib-u-heshiisiinta bulshada Gobalka Mudug, kuwaas  oo si weyn ay  halkaa uga soo dhaweeyeen bulshada deegaanka sidoo kalana uga qeyb galay dhagax dhiga mashaariic ay  bulshada iyo maamulka deegaankaasi ku hormarinayaan qaar ka mida adeegyada bulshada sida dhismaha iyo dayactirka wadooyinka sameynta jardiinooyin qeyb ka ah sare u qaadista bilicda.

Guddoomiyaha deegaanka Bandarqaali Sheekh Muxyadiin Axmed Garre ayaa ugu horeyn ka warbixiyay dadaalada ay wadaan iyo waxyaabihii ugu qabsoomay isku tashigooda iyo adeegyada ay u baahan yihiin in laga caawiyo, isla markaana lagama maarmaanka u ah nolasha bulshada, waxaana uu sheegay in deegaanka Bandarqaali bulshada ku nool ay u istaageen ka shaqeynta horumarka deegaankooda, iyagoo cid kale ku tashanayn taasna ay usuurta galisay in xiligaani Bandarqaali ay ka jiraan adeegyada aas aaska u ah nolasha bulshada, marka laga reebo dhanka caafimaadka oo uu tilmaamay in uu yahay mid  baahidooda aan  kaafin karin ayna ka codsanayaan maamulka Galmudug in laga caawiyo.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Guddoomiyaha Guddiga dib u heshiisiinta bulshada Gobalka Mudug Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed ayaa ku booriyay in ay sii laba jibaaraan isku duubnidooda, sidoo kalana nabadu ay fure u tahay gaarista horumarka.

Kulanka oo ay ka hadleen masuuliyiin iyo waxgarad ayaa waxaa gunaanadkii ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobalka Mudug Axmed Maxamed Shire Qoodaar iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin waxayna wax lagu farxo ku tilmaameen sida bulshada deegaanka Bandarqaali ay isugu tashadeen una istaageen horumarinta deegaankooda, iyagoo balan qaaday in ay ku dadaali doonaan sidii looga caawin lahaa adeegyada u dhiman.

Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

Previous Post

Parliament Speaker comments his resignation

Next Post

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka federaaleynta “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka federaaleynta “SAWIRRO”

Wasaaradda Arrimaha gudaha oo furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan xiriirka federaaleynta "SAWIRRO"

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In