Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo Daah furay Mashruuca daaweynta xoolaha “Sawirro”.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo Daah furay Mashruuca daaweynta xoolaha “Sawirro”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheakh Xuseen ayaa maanta daah-furay Mashruuca daaweynta xoolaha oo laga fulin doono guud ahaa Gobolada dalka oo dhan.

Ololaha daaweynta xoolaha oo loogu talo galay in si lacag la’aan ah loogu dabiibo In ka badan 14 milyan oo xoolo ah, isuguna jira Ari, Lo’ Iyo Geel ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, hey’adaha FAO , UK aid iyo midowga yurub.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Xaflada daah-furka mashruuca daweynta xoolaha oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Xaananada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya, Wasiirada Xanaanada xoolaha ee maamul goboleedyada, Dhaqaatiir, aqoonyahano iyo marti sharaf kale ayaa looga hadlay muhiimada ay leedahay daaweynta xoolaha oo kamida Ilaha dhaqaale ee uu dalkeenu leeyahay.

Nuurto Sheekh Maxamuud oo ku hadashay magaca ururada dhaqaatiirta xoolaha iyo Wasiirka xanaanda xoolaha Koonfur galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ku hadlay magaca maamul goboleedyada ayaa sheegay In ay qeyb weyn ka qaadan doonaan sidii loo fulin lahaa mashruucan oo ka hortaggi doono dabar go’a xoolaha Dalka.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo mashruuca daahfuray ayaa sheegay in si loo xoojiyo dhoofinta xoolaha ay muhiim tahay in aad looga shaqeeyo daaweyntooda, maadaama ay dalka laf dhabar u yihiin.

Xoolaha oo ka mida ilaha dhaqaale ee uu dalkeenu ku xisaabtamo ayaa laga talaali doonaa Cuduro kala duwan sida gooryaanka, shilinta, iyo cudurada kale ee qatarta ah si loo kordhiyo tiro ahaan iyo tayo ahaan intaba.

Previous Post

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo la kulmay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland

Next Post

Dad Shacab ah oo Argagixisada Alshabaab kula dagaalamay Gobolka Bakool ” Sawirro”

Next Post
Dad Shacab ah oo Argagixisada Alshabaab kula dagaalamay Gobolka Bakool ” Sawirro”

Dad Shacab ah oo Argagixisada Alshabaab kula dagaalamay Gobolka Bakool ” Sawirro”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In