Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mashruucii ugu weynaa indha-fiiq lacag la’aan ah oo dalka looga dhawaaqay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Mashruucii ugu weynaa indha-fiiq lacag la’aan ah oo dalka looga dhawaaqay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ururka Manhal Save vision oo ah ururka ugu weyn ee ey ku bahoobeen dhakhaatiirta indhaha dalka ayaa soo bandhigay mashruuc sanadle ah oo noqon doona mashruucii ugu weynaa indha-fiiq lacag la’aan ah oo dalka gudihiisa ka hanaqaada.

Mashruucan oo ah mashruuc iskaa wax u qabsa ah oo uusan ururku la kaashan doonin cid aanan aheyn umada Soomaaliyeed ayaa waxaa sanad kasta ka faa’iideysan doona 3000 (sadex kun) oo qof oo ku nool guud ahaan gayiga ey dagto umada Soomaaliyeed, wuxuuna noqonayaa mashruucii ugu horreeyay oo sidaa u weyn oo aanan fulintiisa loo hoostagin hey’ado iyo ururo ajaanib ah.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

Indha la’aanta gudaha bulshada Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 1.2%. In ka badan boqol kun oo qofood ayaa indha la’ (blind) ama aragoodu ka hooseeyaa inti noloshooda uga baahnaayeen (visual impairment), waxa ugu badan ee keena indha la’aanta bulshada waa caadka (cataract) oo fuula cadasada gudaha ku jirta ee isha, mana lahan dawo aanan aheyn in qalliin lagu saaro laguna badalo cadasad artifishal ah (artificial lens).

Isbitaallada ey ka howlgalaan dhakhaatiirta ururka Manhal Save Vision ee ku kala yaalla Muqdisho, Hargeysa, iyo ololaha indha-fiiqa ee ey ka sameeyaan bariga, bartamaha iyo koofurta Soomaaliya waxaa bil kasta indhaha loogu fiiqaa kumannaan kamid ah dadka awooda in  ey qalliinnada iska bixiyaan, balse waxaa jira tiro ka badan intaa oo la nool indha la’aanta maadaama eysan awoodin qarashaadka qalliinka, arrintaasi waxey dareensiisay dhakhaatiirta ururka Manhal Save Vision masuuliyad dheeraad ah oo la xariirta dadka tabaaleysan ee la nool indha la’aanta. Golaha dhakhaatiirta indhaha ee Manhal Save Vision waxey go’aamiyeen qodobadan hoose:

1. in sanad kasta bisha March indhaha loo fiiqo 3000 (sadex kun) oo qof oo ku nool sadex gobol ee ey sanadkaas dhakhaatiirtu u arkaan in ey ka jirto baahida ugu badan, iyadoo sanad kastaba gobolladan isbadalayaan.

2. In ururka uga qeyb galo sadex weji oo kale ah A) in ey sameeyaan tabarrucaad dhaqaale, B) in ey sameeyaan qiima dhimis 65% inta wax lagu qalo dalka, iyadoo inta soo hartay loo adeegsan doono kabida imkaaniyaatka ku baxaya qalliinka. 3) in ey dhakhaatiirtu gacantooda ku filliyaan.

3. In laga maarmo ajnabi oo ey umadu isku tiirsanaato, mashruucan sanad kastaba waxaa lala kaashanayaa umada Soomaaliyeed, qofki bixiya 50$ wuxuu sabab u noqonayaa hal qof oo aragiisa dib u hanta, waa wax yar oo uu qofku wax weyn ku qaban karo, sidaa darteed ka qeeb galka mashruucan waa mid u furan qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu joogo, gaar ahaan ganacsatada iyo shirkadaha.

4. laga billaabo 15-ka bisha August 2015 in albaabada loo furo ciddii dooneysa in ey u tabarrucdo mashruucan iskaa wax u qabso ah sanadkiisa koobaad ee 2016.

Hadii aad dooneysid in aad mashruucan wax dheeraad ah ka ogaatid, ama aad u tabarrucdid, waxaad la xiriiri kartaa isbitaallada, shaqsiyaadka, iyo ciwaannada hoos ku xusan, ku tabarruc qof walaalkaa ah oo aad sabab u noqotid in uu dib wax u arko:

Isbitaalka Al-Ixsaan, Muqdisho: Dr.Maxamuud Shiine

Isbitaalka Manhal, Hargeysa: Gudoomiyaha ururka Dr.Axmed Xalaal

Xarunta indhaha Laag-Barako, Hargeysa: Dr. Axmed Nuur Ismaaciil

Ama: Tel.Number: +252633501391, [email protected]

Previous Post

Dhageyso warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In