Ugu yaraan 7 qof ayaa dhimatay 13 kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo ,kadib markii qarax lala beegsaday masaajid ay leeyihiin Shiicada oo ku yiillay Qandahaar, xilli maanta lagu jiray salaaddi Jimcaha.
Qaraxaan ย oo ka dhacay masaajidka ugu weyn ee ay ku cibaadeystaan Shiicada ayaa la sheegay in aysan caddeyn waxa sababay balse waxaa la tuhunsan yahay in uu ahaa qarax ismiidaamin ah.
Ma jiraan cid illaa hadda sheegatay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi.
Dhacdadan ayaa timid toddobaad kadib markii daraasiin qof la dilay in ka badan 100 kalena la dhaawacay markii masaajid ku yaal gobolka waqooyiga ku yaal ee Kunduz lala beegsaday qarax .