Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Masjid weyn oo dib u dhis lagu sameeyay oo maanta xariga laga jaray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Masjid weyn oo dib u dhis lagu sameeyay oo maanta xariga laga jaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasbad lagu furayay masjid dib u dhis lagu sameeyay oo ka kooban labo dabaq ayaa waxaa ka qeyb galay culimaa’diin, waxgarad, aqoonyahano, mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo marti sharaf kale, kaa oo lagu qabtay gudaha Masjidka oo ku yaalla aga gaarka isgoyska Dabka, gaar ahaan dhanka degmada Howlwadaag.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed oo ka hadlay dib u furista Masjidka oo ay saameeyeen dagaaladii dalka dhacay, isla markaana lagu sameeyay dib u dhis balaaran ayaa uga mahadceliyay intii gacan ka geysatay dib u dhiska Masjidka.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo dib u dhiska Masjika, waxaana uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka geystaan dhisidda Masaajidda ku yaalla Muqdisho iyo kuwii ku bur buray dagaalada.

Agaasimaha Waaxda Diinta ee Wasaaradda Awqaafta Soomaaliya Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Sheekh Cali Dheere ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay dhiiri gelineyso dib u dhiska lagu sameynayo Masaajidda, waxaana uu intaa ku daray in Wasaaraddu ay gacan ka geysan doonto dhismaha Masaajidda.

Previous Post

Shirka Qurbo joogta Soomaaliyeed ee Rwanda oo la soo gabo gabeeyay “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO-Siihayaha Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Burundi

Next Post
DAAWO-Siihayaha Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Burundi

DAAWO-Siihayaha Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Burundi

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In