Dhismaha Masjidka Taariikhiga ah ee Jaamac Shangaani waxaa la hirgaliyay 800-Sano ka hor sida ay sheegeen culumada iyo odeyaasha Degmada Shangaani waxa uuna Masjidkaani kamid yahay goobaha taariikhiga ah ee dalka ku yaala gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Inkastoo dhismaha masjikani uu ku burburay rabshadihii dalka ka dhacay ayaa waxaa dib u dhis ku sameeyay oo ka faala qaaday maamulka gobolka Banaadir, waxaana si rasma dhismaha Masjidka Jaamac Shangaani xariga kajaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si ay ugu cibaadeystaan bulshada Caasimadda.
Xarigjarka kaddib ayaa mas’uuliyiintan waxa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha uu masjidkani ka kooban yahay, iyadoo ay xusid mudan tahay in dhismaha masjidkaani uu kasii hooseeyo ama ka hoos dhisan Masjidkale oo dhismihiisa la hirgaliyay in ka badan 800-Sano ka hor.