Warbaahinta Hindiya oo soo xiganaysa Ururka Culumada Muslimiinta ee gobolka buuraleyda ah ee Tripura ee dhaca waqooyi bari Hindiya, ayaa sheegay in lagubay Masaajidyo iyo guryaha ay lahayeen dadka Muslimiinta ah ee laga tirada badan.
Muslimiinta ku nool gobalka Tripura ayaa ka dalbadeen dawladda iyo mas’uuliyiinta gobolka inay tallaabo ka qadaan waxa ay ku tilmameen falalka mooriyaanimo ee diin naceybka ku saleeysan.
Wargayska Hindustan Times, ayaa sheegay in Ururka Culumada Muslimiinta ay mudaaharaad ka dhigeen xafiiska wasiirka gobolka, iyaga oo dalbanaya in Dowladda ay qaado talaabo lagu joojinayo weerarada lagu haya dadka Muslimiinta ah iyo goobahooda Cibaadada.
Dad ka soo horjeeda Diinta Islaamka ayaa weeraray masaajidyo iyo Xaafado ay degan yihiin dadka Muslimiinta ah, kuwaasi oo ku yaalla galbeedka iyo waqooyiga gobolka Tripura.